QISO DHAB AH: Markii ay garowsatay inay dhimanayaan ayay warqaddan qortay (Akhri waxa ku qoran)

0

(Hadalsame) 14 Feb 2021 – Sidaan ayey u qornayd warqaddii dardaaranka ahayd ee ay qortay mid ka mid ah reerkii Sudan-ta ahaa ee Saxaraha Libiya iyo Sudan u dhaxeeya Gaarii ay wateen la galay halkaana dhammantood ku naf waayay.

“Ciddii hesha warqadaan, kani waa lambarka walaalkay Maxamed Seefu-diin, 00218927086866. Ilaahay ayaan idin kaga tagay, i saamaxa idiin lama soo xiriirine.

aabbe iyo walaalo Naasir waan idin jecelahay, noo soo duceeya Qur’aankana noo soo hadyeeya (akhriya) halkan aannu ku dhimanayna ceel nooga qoda”.

Alle ha u naxariisto haraad iyo gaajo ayay u dhinteen sida la sheegay, gabadhuna biyaha ayay si gaara u xustay markey warqaddan murugada xambaarsan qoreysey

Tarjumaadii: Sareeye Badeed Ahmedi Ali

Hadalsame Media