DF Somalia oo sheegtay inay qaadayso dhagxaan ay ku jartay Isgoyska Dabka + Sawirro

0

(Muqdisho) 14 Feb 2021 – Hay’adaha amaanka ee DF Somalia ayaa dhagxaan ku jaray Isgoyska Dabka oo ah mid ka mid ah halbowlayaasha xasaasiga ah ee isku xira magaalada Muqdisho.

Arrintaas ayaa waxay keentay saxmad fara badan maadaama la xirey jidad isku xira degmooyin kala duwan oo asaasi u ah isu socodka magaalada Muqdisho.

XF ayaa se sheegtay in arrinta lagu noqonayo oo dib u eegis lagu samaynayo iyadoo amaanka la sugayana la eegayo danta dadwaynaha.

“Go’aanka Isgoyska Dabka qeyb ahaan lagu xiray wuxuu abuuray culeys dhanka dhaqdhaqaaqa Shacabka. Inshallah dib u eegis deg deg ah ayaa lagu sameynayaa iyada oo had iyo jeer ahmiyadda la siinayo daryeelka shacabka, lana sii xoojinayo adkeynta amniga,” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimu oo ah Afhayeenka Xukuumadda Rooble.

Hay’aadka amaanka ayaa lagu dhaliilaa inay amaan sugidda u wajahayaan qaab fal-celin uun ah kaddibna ay dhagxaan meelaha iska dhigaan iyagoo aan lahayn hab-howleed sirdoon oo ka hor tegis iyo ka daba tegisba leh.

Hadalsame Media