Nin 3 nin oo saaxiibadii ah qashay kaddibna cunay oo xukun lagu ridey + Sawirro

0

(Arkhangelsk) 13 Feb 2021 – Dad cun Ruushan ah ayaa la sheegayaa inuu diley kaddibna cunay maydka 3 nin oo ay saaxiibbo ahaayeen, waxaana haatan lagu xukumay xabsi daa’in.

Eduard Seleznev, 51-jir, kasoo jeeda Arkhangelsk oo dhacda gobolka woqooyi galbeed ee Arkhangelsk Oblast, ayaa saaxiibada qashay intii u dhaxaysey Maarso 2016 ilaa Maarso 2017.

Ninkan oo lagu naanayso Dad Cunkii ‘Arkhangelsk Cannibal’, wuxuu Seleznev qirtay inuu toorreeyey saaxiibadii oo kala jirey – 59, 43 iyo 34 – kaddib markii ay hurdeen iyagoo cabsan, kaddibna uu karsaday oo cunay hilibkoodii.

Ninkan ayaa dhibbanayaasha – oo aan magacyadooda lasoo bandhigin – hilibkooda jarjaray, isagoo inta uu doonayo ku kaydsaday baco uu qaboojiye geliyey, halka wixii soo harayna uu ku qubayey webi magaalada ku yaalla.

Ninkan ayaa 3-da nin ee uu cunay midkood gurigiisii degey isagoo qoyskiisa u sheegay inuu magaalo kale u shaqa tegey, halka labada kale aanay lahayn wax qoys ah oo tebaya.

Maxkamadda ayaa sidoo kale dhegeysatey in Seleznev uu sidoo kale diley oo deeto kariyey eeyaha, bisadaha, shimbiraha iyo xayawaannada kale ee yar yar ee uu jidadka ka helo.

Maxkamadda Sare ee Ruushka ayaa ninkan shalay ku xukuntay xabsi daa’in kaddib markii uu fashilmay rafcaan ay qaateen qarreennada difaacaya.

Hadalsame Media