Beesha caalamka oo digniin ka hormarisay shirka 15-ka bishan Febraayo

0

(Muqdisho) 13 Feb 2021 – Kaddib markii caqabado loo dhigay shir ay Madaxtooyadu ku baaqday in lagu qabto Garoowe oo uu Maamulka Puntland iska diidey waxaa haatan socda qorshe uu shirkaasi uga furmayo Baydhabo iyadoo ay dhinacyada metelayaan guddi farsamo.

Shirka ayaa ku dhacaya xilligii horay loo muddeeyey oo ah 15 Febraayo balse ma noqon doono mid wax lagu kala saxiixan doono sida ay sheegayaan xogaha qaarkood.

Yeelkeede, beesha caalamka ayaa durba digniin kasii hormarisay shirkaasi iyadoo ka digtey in ay qolo gaar ihi tillaabo qaaddo, waxay sidoo kale madaxda ugu baaqeen inay muujiyaan mas’uuliyad iyo bisayl isla markaana ay jiho u birbiriyaan umadda Soomaaliyeed iyadoo la xeerinayo heshiisyadii Dhuusamareeb iyo 17-kii Sebt.

Somalia ayaa haatan muquuranaysa xasarad ay gayaysiiyey mas’uuliyad darro, hoggaan xumo, tanaasul la’aan iyo kursi jacayl iyadoo ay astaamahaasi yihiin kuwa dalka ficii ka reebay.

Hadalsame Media