DF Somalia oo wajahaysa cadaadis hor leh oo ku saabsan qabashada doorashada 2021

0

(Muqdisho) 12 Feb 2021 – Isbahaysi ay leeyihiin Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxay kusoo dhoweeyeen wada hadallada DF Somalia iyo Maamullada oo ballansan 15-ka bishan. balse waxay ku baaqeen in Muqdisho lagu qabto.

“Waxaannu rumaysan nahay in hirgelin la’aanta heshiiskii 17 Sebtembar 2020 uu keenay in waqti badani lumo taasoo dhib u dhigtay doorashada,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.

”Si aan haddaba loo lumin kalsoonida dadwaynaha iyo dhismaha dowladnimada Somalia waxaan soo jeedinaynaa qodobbadan:”

  • In shirka lagu qabto Muqdisho
  • Inay door ka qaybgal ku yeelato Bulshada Rayidku
  • In ciddii qas wade ah loo qabsado
  • In la joogteeyo xasilloonida guud lagana wada shaqeeyo in ay dalka doorasho ka dhacdo

Ugu dambayn, waxay Bulshada Rayidku aqoonyahanka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay hadlaan isla markaana ay cod ku yeeshaan in heshiis laga gaaro qabashada doorasho nabdoon.

Hadalsame Media