MUSUQ BAAHSAN: Madax ka tirsan DF oo laaluush ka qaata shirkadda Favori si loogu tunto xuquuqda shaqaalaha Soomaalida (Wasiirro la magacaabay)

0

(Muqdisho) 12 Feb 2021 – Saraakiil sare oo ka tirsan DF Somalia oo ay wasiirro ka mid yihiin ayaa la sheegay inay helaan tigidho iyo fasaxyo ay Turkiga ku tagaan oo laga bixiyo taasoo ay ka helaan sharikadda maamusha Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee Favori LLC oo sidoo kale bixisa laaluushyo kale oo dhabar ka taabad ah.

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Shaqaalaha Federaalka (FESTU) ayaa lagu sheegay in sidaa loogu tunto xuquuqdii shaqaalaha, xeerka shaqaalaha caalamiga ah iyo Dastuurka Somalia, iyadoo ay DF ku fashilantay inay dhowrto xuquuqda shaqaalaha ee ay ku tumanayso Favori.

Warbixintu waxay si gaar ah farta ugu fiiqday Wasiirka Cadaaladda, Cabdulqaadir Nuur Jaamac oo lagu eedeeyey inay caga jiidey in wax laga qabto muran u dhexeeya Favori iyo shaqaalaha Soomaalida ah kaddib markii uu laaluush qaatay, iyadoo ay arrintaa ku wehliyaan madax kale oo sidaa ku hoosaasiyey xuquuqdii shaqaalaha ee ay difaaci lahaayeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale la sheegay inuu si ”xishood la’aan ah” iskugu dayey inuu farageliyo xiriirka shaqo ee FESTU iyo Favori LLC oo uu marar badan xayndaabyada DF dhexdooda ugu ololeeyey.

Saraakiisha DF qaar ka tirsan ayaa la sheegay in xallinta arrintan ay ku dahaareen dood ku saabsan in Turkigu uu Somalia caawiyo, taasoo aan wax shuqul ah ku lahayn arrintan maadaama aysan labada arrin isku xirnayn, taasoo sii xoojisey in Favori ay shaqaalaha dhiig miirato, sida ku dhigan warbixinta.

Xoghayaha Guud ee FESTU, Cumar Faaruuq ayaa sheegay in Favori ay si xun ugu tumatay xuquuqda shaqaalaha iyadoo taageero ka heleysa saraakiil sare oo DF ka tirsan, isla markaana Covid-19 u adeegsanaysa qaab ay ugu qiil samaysato hab-dhaqankeeda musuqa iyo cabsigelinta ah, sida uu yiri.

Arrintan ayaa haatan loo gudbiyey Wasaaradda Shaqada si loo soo dhiciyo xuquuqda shaqaalaha.

Heshiisyo badan oo lala galay shirkado shisheeye ayaan lahayn tixraac guud ama xog ay bulshadu ka hayso, waxaa heshiisyadaa ka buuxa kuwo dhulal dan guud ah lagu siiyey sharikaad iyo askhaas gaar ah, iyadoo laga faa’iidaysanayo madaxda oo aan lahayn han, qiyam, waddaniyad iyo mabda’ togan.

Hadalsame Media