DAAWO: Turkiga oo hub hor leh ku kordhiyey mid ka mid ah gawaarida gaashaaman ee uu sameeyo

0

(Ankara) 10 Feb 2021 – Shirkadda gawaarida gaashaaman dhista ee Turkiga ah ee Nurol Makina ayaa farsamo cusub kusoo kordhisey gawaarida Ejder Yalçın 4×4 (TWAV), kaasoo haatan hubka uu ridi karo uu ka mid yahay moortarku.

Gaarigan ayaa markii hore lahaa xajmi adag oo dhanka dhowraarinta dadka saaran ah, guur guur heer sare ah iyo canaab qaadis wanaagsan, balse the Ejder Yalçın ayaa haatan lagu daray inuu madaafiicda goobta ridi karo, sida ay qortay Anadolu Agency (AA).

Waxaa lagu xirey madfaca Alkar oo 120 mm ah kaasoo lagu daray tooreetkiisa waxaana loo raaciyey hannaan uu si otomaatig ah isu cabbaynayo, meel rasaasta lagu kaydiyo, xakamayn dhanka dabka ah iwm.

Ejder Yalçın ayaa waxaa adeegsan kara ciidanka gaarka ah ee Komaandooska, kuwa lugta iyo gaadiidka kala duwan iyadoo loo adeegsan karo dagaallada caadiga ah iyo kuwa ku dhufoo ka dhaqaaqda ah.

Tan kale, maadaama uu gaarigani neg yahay waxaa wanaagsan shiishkiisa isagoo markiiba dhaqse u aag bedelan kara kaddib marka uu wax gano, isagoo ka faa’iidaysanaya guurguurkiisa fudud oo ah arrin u wanaagsan gawaarida gaashaaman oo inta badan culus.

Hadalsame Media