Sirdoonka Imaaraadka oo jabsaday agab ay ku xiriirayeen Michelle Obama & hooyada Amiirka Qadar (FBI oo ku dheggan)

0

(New York) 10 Feb 2021 – Basaasyo Imaaraati ah (UAE) ayaa jabsaday qalab danabeed ay adeegsanayeen hooyada Amiirka Qadar iyo Marwadii 1-aad ee Michelle Obama oo xiriirayey, sida uu qoray weriye ka tirsan New York Times.

Imaaraadka ayaa hay’ad la yiraahdo Cyberpoint, oo Maraykanka fadhisa u xilsaaray inay baaraan inay jiraan unugyo raacsan Al Qaacidda oo xiriir la leh dalkan Khaliijiga ah oo sidoo kale lagu eedeeyey inay xiriir la leeyihiin Ikhwaanka.

“Sida qura ee taa lagu samayn karaa waxay ahayd in la jabsado Qadar,” ayuu yiri David Evenden, oo horay uga tirsanaa Hay’adda Amaanka Qaranka NSA oo arrintan ku lug lahaa oo la hadlay Times.

The Times ayaa weriyey in FBI ay haatan baarayso arrintan maadaama la jebiyey xeer madani ah oo ka jira Maraykanka oo mamnuucaya in la jabsado shabakadaha Maraykanka ee kaddib la qaato xogo halkaa la isku dhaafsaday.

Hadalsame Media