XAALAD: Maraykanka oo markii ugu horreeysey dayuuradaha sameeya duqaymaha istaraatijiga ah soo dhoobay Norway si ay Ruushka u ”caabbiyaan”

0

(Oslo) 09 Feb 2021 – Ciidanka Cirka Maraykanka (USAF) ayaa dayuuradaha wax duqeeya ee B-1 ka dejiyey dalka Norway markii ugu horreeysey taasoo loo fasiray inay tahay ishaaro loo dirayo Moscow, taasoo sheegaysa in Washington ay difaacayso dalalka ologga la ah ee xadka la leh Ruushka.

4 dayuuradood oo ah nooca B-1 iyo ilaa 200 oo ah dadka ku shaqeeya ayaa laga soo duuliyey Saldhig-cireedka Dyess Air Force ee Texas iyadoo la dejiyey Orland Air Base oo ku yaalla Norway, iyagoo 3-da todobaad ee soo aaddan bilaabi doona inay roondeeyaan hawada wareegga cirif-qaboobaha Arctic-ga.

Howlahan ayaa waxaa horay u qaban jirey Ciidanka Cirka UK, balse Maraykanka ayaa sheegay inuu u baahan yahay inuu saldhigto meel istaraatiji ahaan intii dhagax la tuuro u jirta Ruushka si looga hor tago wixii daandaansi ah oo ka yimaada dhanka Moscow, si weliba dhaqse badan, sida uu sheegay Jen. Jeff Harrigian, Taliyaha Ciidanka Cirka Maraykanka ee Yurub iyo Afrika.

Pentagon ayaa bamarrada B-52 sidoo kale beri dhowayd u diray Bariga Dhexe si uu u muujiyo cududda farsamo ee uu u leeyahay inuu dhaqse goobo kala geddisan ugu daabulo hanti iyo agab ciidan oo istaraatiji ah.

Hadalsame Media