(Hadalsame) 09 Feb 2021 – Wiil Soomaal ah oo Bajaajle ku xamaalan jirey ayaa haatan noqday duuliye caalami ah oo xirfad wanaagsan u leh kaxaynta dayuuradaha.
Wiilkaasi waa Cumar Ducaale oo ah wiil dhallin yaro ah, oo ku barbaaray magaalada Dirir-dhabe, oo haatan ka tirsan Itoobiya, kaasoo muddo 5 sanadood ah Bajaajle ahaa ayaa haatan ka mid noqday duuliyeyaasha Ethiopian Airlines.
Ducaale ayaa ka qalin jebiyey Jaamacadda Dirir-dhabe Kulliyaddeeda Injineeriyadda, wuxuuna haatan duuliyaa diyaaradda Yurub sameega ah ee rakaabta xambaarta ee Airbus A350.
Halkan hoose ka daawo wararysi qiiro badan oo uu bixiyey Ducaale oo soo maray wacdaro nololeed oo aan wareer yarayn.
Hadalsame Media