TOOS: ”Baarlamanku wuu sii shaqaynayaa inta laga dooranayo midkii bedeli lahaa!” – MW Farmaajo oo muujiyey in….LIVE

0

(Muqdisho) 06 Feb 2021 – Guddoonka Aqalka Hoose, Md Maxmed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa faahfaahiyey ujeedka kalfadhiga aan caadiga ahayn ee maanta ku qabsoomaya xarunta KMG ah ee Baarlamanka, isagoo sheegay in MW Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga sugayo inuu ka warbixiyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay inuu qodobka 90-aad ee Dastuurku uu Madaxwaynaha xaq u siinayo arrintaasi.

Dhanka kale, Guddoonka ayaa fadhiga ka saaray senetarro ka tirsan Aqalka Sare maadaama uu Guddoonkoodu qaaddacay kulankan, taasoo uu ku sheegay codsi uga yimid Guddoonka Aqalka Sare.

MW Farmaajo ayaa horay u dalbaday inuu la hadlayo labada aqal oo wada dhan, sidaa darteed, arrintan ayaa khilaafsan rabitaankii MW Farmaajo isla markaana waxay rajaxaysaa soo jeedintii Guddoonka Aqalka Sare oo ah in aan laga qayb qaadanin kalfadhigan.

Waxaa haatan hadlaya MW Farmaajo oo warkiisa ay dhex gelayaan sawaxan ka imanaya xildhibaannada qaar kaddib markii uu muujiyey inuu doonayo waqti kororsi isagoo sheegay in ay ”sax tahay” inuu baarlamanku iska sii fadhiyo inta laga keenayo midkii bedeli lahaa.

Hadalsame Media