”68 jeer ayuu wax ku dhuftay!” – Nin Soomaali oo sabab la yaab leh xaaskiisa u diley oo maxkamad lasoo taagey

0

(London) 06 Feb 2021 – Nin Soomaali ah oo bas wade ah ayaa xaaskiisa diley kaddib markii ay u sheegtay inuu guriga ka guuro maadaama uu qabo cudurka coronavirus, sida maanta lagu dhegeystey maxkamadda.

Hussein Egal, 66-jir, ayaa sida la sheegayo diley xaaskisia oo ahayd 57-jir Maryan Ismail oo ay wada deganayeen guri ku yaalla xaafadda Edmonton Green, woqooyiga London, intii lagu jirey handaraabkii 1-aad ee cudurka Abriil 6.

Ninka ayaa la sheegay inuu dilka u isticmaalay agabyo ay ka mid yihiin dubbe, middi ama middiyo, dheri, shiile, lug kursi iyo jaranjar uu si ku celcelis ah madaxa ugu dhuftay.

Egal ayaa dilka qirtay balse wuxuu inkiray inuu kas ahaa, sida uu dhegeystey dacwad ooge Allison Hunter QC.

Mrs Ismail, oo nadiifiye ka ahayd iskuul ayaa la helay iyada oo dhiig dhex taalla waxaana markii la baaray la ogaadey inay jirkeeda ku yaalleen 68 dhaawac, kuwaasoo ay ku jiraan dhowr toorri iyo jugo uga yaalley madaxa iyo jirka.

Ninka oo warar kala geddisan sheegay ayuu dacwad ooguhu ka diidey inuu dhimir ahaan dhiman yahay.

Dacwaddu waa socotaa….

Hadalsame Media