Qodob muhim ah oo is afgarad laga gaarey & qodobbo ay ka mid yihiin waxa la yeelayo 8-da Febraayo kaddib oo…

0

(Dhuusamareeb) 04 Feb 2021 – Shirka wadatashiga ah ee Dhuusamareeb uga socda MW Somalia iyo maamul-gobollada dalka oo uu wehliyo Gobolka Banaadir ayaa woxooga is afgarad ah laga soo sheegayaa.

Sida uu sheegay Madaxweyne Xigeenka Maamulka Galmudug, Cali Daahir Ciid, ayaa BBC u sheegay in woxoogaa isku soo dhawaasho ah laga dareemayo qaar ka mid ah qodobbo horraan la isku maandhaafsanaa, waloow ay weli wax u harsan yihiin.

Ciid ayaa intaa raacshey in qodobka soo xulista xubnaha Baarlamaanka ee kasoo jeeda Somaliland ay ka qayb qaadan doonaan Guddoomiyaha Aqalka Sarre iyo Raysal Wasaare Xigeenka DF Somalia.

Yeelkeede, waxaa weli harsan oo aan la isku waafaqin qoddobo kale sida waxa laga yeelayo marka uu dhamaado waqtiga Madaxweyne Farmaajo oo ku eg 8-da bishan Febraayo oo aan sidaa u fogayn kuna eg Isniinta soo aaddan.

Waxaase weli lasii eegayaa dhanka Dhuusamareeb oo laga dhowrayo in qodobbada kalena looga heshiiyo.

Hadalsame Media