WAR CUSUB: WHO oo sheegtay in aan meesha laga saari karin in shaybaar lagu sameeyey cudurka Covid-19

0

(Wuhan) 04 Feb 2021 – Koox baaris wadda oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa haatan ku sugan magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha oo ah halka uu asal ahaan markii ugu horreeysey kasoo bilowday cudurka coronavirus sanad kahor.

Ujeedka kooxdan ayaa ah in la go’aamiyo asalka cudurka iyagoo ururinaya xogo kala geddisan, waxayna sheegeen inay heleen ”xogo muhim ah”, sida uu yiri Dr Peter Daszak, oo guddoon u ah NGO la yiraahdo Eco Health Alliance, isla markaana kooxdan ka tirsan oo u warramay Sky News.

Wuxuu intaa raaciyey in aan meesha laga saari karin aragtida ah in cudurkani yahay mid macmal ah oo shaybaar lagu diyaariyey, taasoo ah ra’yiga ay qabaan dad badan gaar ahaan kuwa qaba aragti dhagareedka.

”Waanu ka warqabnaa aragtida ah in cudurkan uu shaybaar ku lug leeyahay waana su’aal aannu dadka waydiin doonno gaar ahaan Mac’hadka Cilmiga Fayruska ee Wuhan’s Institute of Virology.” ayuu yiri Dr Dazsak oo sheegay inay raaci doonaan halka ay cadaymuhu u wadaan jiho kasta oo ay la aaddo.

Hadalsame Media