Dal Khaliijka ku yaalla oo cudur halis ah ku sheegay xoolaha Somalia & shixnad uu la wareegey

0

(Manama) 31 Jan 2021 – Dalka Baxrayn ayaa la wareegey shixnad xoolo ah oo laga soo safriyey Somalia kaddib markii ay sheegeen in laga helay cudurka af iyo cag.

Dr Khaled Ahmed Hassan, oo ah Wasiir Xigeenka Shaqada, Dowladaha Hoose iyo Qorshaynta Xoolaha Nool ee Magaalooyinka, ayaa sheegay inay la wareegeen 196 neef oo lo’ ah iyo 1 ,544 oo ido ah.

Xoolahan oo lagu wadey in la qasho ayaa laga joojiyey kaddib markii lagu arkay astaamo muujinaya cudurka af iyo cag oo maxalli ahaan halkaa looga yaqaan Potongue, sida uu sheegay Dr Hassan.

Cudurka af iyo cag (FMD) waa cudur ba’an oo uu keeno fayrus aad u faafa, haddii aan la xakamayn, oo ku dhaca lo’da, ariga, idaga, deerada, doofaarka iyo xayawaannada kale ee u qoobka eg, kaasoo aad ugu dhaca xoolaha Bariga Dhexe.

Xoolahan ayaa la gelinayaa karaantiil, taasoo ah tillaabada 1-aad ee xakamaynta cudurka.

Hadalsame Media