AMISOM oo durba ku dhaqaaqday tillaabo muujinaysa in doorashadii la guda galay

0

(Muqdisho) 31 Jan 2021 – Ciidamada AMISOM ayaa durba oodda ka qaaday qorshe ay ku yeelanayaan kulamo xiriir ah oo looga arrinsanayo sugitaanka iyo sare u qaadka amaanka xilliga doorashada heerka qaran ee soo aaddan.

AMISOM ayaa bilowday kulamo ay la yeelanayaan ciidamada amaanka gobollada iyagoo Jimcihii booqasho ku tegey magaalada Baydhabo oo ay kula kulmeen madaxda dare iyo saraakiisha amaanka, si loo agaasimo ciidamo ay iskaashi kala sameeyaan dhanka amaanka.

Simon Mulongo, ku xigeenka Madaxa Howlgallada AMISOM, ayaa sidoo kale kulan la qaatay ciidamada AMISOM oo ka kooban millateri iyo booliis (FPU) si ay isula eegaan qaab la isu waafajin karo howlohooda gobolka KG Somalia.

AMISOM ayaa booqashooyin kale ku kala bixin doonta gobollada iyo magaalooyinka loo asteeyey in doorashooyinka lagu qabto.

Warar cusub oo ku saabsan doorashada ayaa lagu wadaa inay soo baxaan iyadoo 1-3 Febraayo ay kulmayaan DF & MF, halka 5 Febraayo uu MW Farmaajo la hadli doono labada aqal.

Hadalsame Media