Muuqaalkaa dhiillada lihi waa inta laga dhaxlay dagaalka Beled Xaawo (Min DF ilaa Kenya & Jubbaland waa la waydiinayaa)

0

(Beled Xaawo) 25 Jan 2021 – Waxaa Beled Xaawo ka dhacay dagaal ay DF Somalia ku eedeeysey malliishiyaad uu wato Wasiirkii Amniga Jubaland, kaasoo gudaha la isula soo galay Beled Xaawo, waloow haatan la sheegayo in dib loo riixay ciidankii kasoo weerar galay dhanka ay Kenya xukunto.

Ha yeeshee, waxaa dagaalkaasi durba sababay uur ku taallo wayn kaddib markii uu madfac hoobiye ihi ku habsaday guriga qoys deggan Beled Xaawo, halkaasoo ay ku dhinteen 5 carruur ah.

Waxaa ilmahaa dhalay nin lagu magacaabo Cabdiweli A Turmaag oo ay qoyskiisu haatan ku jiraan xaalad aad u xanuun badan, waxaana durba soo baxaya muuqaal la sheegayo inay tahay hooyada dhashay carruurta dhintay oo dul jiifta qabrigii ilmaha lagu aasay.

Maxamuud Seyid Aadan oo MW Xigeen ka ah Maamulka Jubbaland oo xulufo la ah Kenya ayaa isagu dhanka kale ku faanay inay dagaalka ku qabsadeen qaybo ka tirsan magaalada.

“Saraakiisha hadda i soo wacday waxay ii sheegeen sida janaraal Cabaas oo kale inuu isaga isteeshinka joogo, iyo xarunta degmada, laakiin hadde magaaladu waa magaalo weyn oo daafaheedu ay weli xabbaduhu ka dhacayaan,” ayuu yiri.

Arrintan ayaa ah dembi dagaal oo cad maadaama dad rayid ah loo leeynayo hadaf siyaasadeed oo aan ka tarjumaynin danaha shacabka la doonayo in la xukumo.

DF ayaa lafteeda laga doonayaa xal ka duwan sida ay haatan wax ku socdaan, mas’uuliyaddana qayb ayay ku leedahay.

Hadalsame Media