Warbaahinta caalamka oo u magac bixisay ujeedka ka dambeeya dagaalka Beled Xaawo

0

(Beled Xaawo) 25 Jan 2021 – Waxaa dagaal ay dad rayid ihi ku dhinteen uu ka dhacay magaalada Beled Xaawo, kaasoo u dhexeeya malliishiyaad ay Kenya taageerayso iyo Ciidanka Xoogga Dalka.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa dagaalkan wax ka qoraysa iyagoo inta badan isku xirey dagaalkan iyo doorashada lagu muransan yahay ee Somalia.

”MW Somalia waxaa  ay dadka dhaliilaa ku eedeeyeen in uu xaaladdan si kas ah u abuurayo si uu taageero siyaasadeed ugu raadiyo xilli uu doonayo in markii 2-aad la doorto.” waxaa qoray ABC News oo ah hilin liberaal ah oo ka dhisan Maraykanka.

”Ciidamada DF Somalia iyo kuwa Jubbaland oo isku dhacay kahor doorashada.” waxaa qortay Al Jazeera.

Warka labadan warbaahinood ayaa taageeraya guuxa dadwaynaha oo aan arrintaa ka fogayn, iyadoo ay qaar badani ku doodayaan in dalka la geliyo dagaal siyaasadeed oo laga fursan karo, xilli aanu weli kasoo kabanin kuwii hore.

Hadalsame Media