”Taas waa diidney!” – MW Faransiiska uu si cad uga dhaartay inuu raalli gelin ka bixiyo xasuuq uu Faransiisku u gaystey dal Muslim ah oo uu gumaystey

0

(Paris) 20 Jan 2021 – MW Faransiiska Emmanuel Macron ayaa diidey inuu wax raalli gelin ah ka bixiyo xasuuqii iyo saxariirtii uu dalkiisu u gaystey dalka Algeria, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada dalkaasi ee Élysée Palace.

Ma jiri doonaan wax “ka noqosho iyo raalli gelin ah” oo aannu ka bixinayno gumaysigii Aljeeriya ama dagaalkii 8-da sanadood socdey ee uu dhiigga badani ku daatay ee soo afjaray 132 sanadood oo uu Faranjigu halkaa xukumayey, ayuu yiri war kasoo baxay xafiiska Macron.

Waxaa intaa la raaciyey in taa biddaalkeeda uu MW dalkaasi qaadayo tillaabooyin dhowr ah oo tusaalayn ah si loo wanaajiyo xiriirka labada dal, iyadoo Faransiisku ay dalkaa ku dileen 1.5 milyan oo Aljeeriyaan ah intii uu qiiqayey dagaalkaa xornimo doonka ihi.

Colaadda labada dhinac dhexmartay 1954-1962 oo loo yaqaan Dagaalkii Aljeeriya ayaa ilaa maanta haraynaysa xiriirka labada dal, waloow waqtigaa laga joogo 6 toban-sanaale, waloow uu Macron oo dhashay gumaysigii Aljeeriya kaddib uu yahay madaxwaynaha qura ee Faranji ah ee aqoonsaday dembiyada uu dalkiisu ka galay dalkan dhaca woqooyiga Afrika.

Warbixintan oo la yiraahdo tii Benjamin Stora, ayaan se Faransiisku ku doonaynin inuu raalli gelin bixiyo, balse waxaa lagu sheegay in lagu doonayo in lagu iftiimiyo habab kale oo lagu soo afjari karo cutubyadaa madow ee ka mid ah sooyaalka gumaysiga Faransiiska, si ay u raystaan nabraha ka dhashay dagaalkaasi.

Madaxtooyada Élysée Palace ayaa sheegtay in tusaale ahaan uu MW Macron doonayo 3 maalmood oo loo baroordiiqo dadkii ku dhintay dagaalkaasi marka la gaaro xuska sanad-guurada 60-aad ee kasoo wareegtey dagaalkaasi iyadoo maalin kasta loogu tala gelayo koox gaar ah oo dhib kasoo gaarey halgankaasi.

MW Faransiiska ayaa ka cararaya in dalkiisa la dacweeyo ama magdhow la waydiiyo haddii uu raalli gelin bixiyo, taasoo ah siyaasadda dalal badan oo gumaystayaal ahaa.

Hadalsame Media