Kaamaro aan abid ciyaar kubadda cagta ah lagu duubin oo caawa loo adeegsanayo kulanka Juve vs Napoli (Maxay tahay?)

0

(Reggio Emelia) 20 Jan 2021 – Sida uu qorayo Corriere dello Sport iyo warbaahinta Talyaanigu waxaa caawa dufcadda 33-aad ee Supper Coppa Italianna oo gegada Mapei Stadium ee Reggio Emilia, Juve iyo Napoli loo adeegsan doonaa kaamaro aan abid horay loogu adeegsanin ciyaar kubadda cagta ah.

Hy’adda maamusha Horyaalka Talyaaniga ee Lega Serie A ayaa ku dhawaaqday in ciyaartan loo adeegsan doono kaamiro diinaamiko oo dadka ciyaarta guryaha ka daawanaya siin doonta xog dheeraad ah oo dhanka muuqaalka ah.

Kaamirooyinka noocan ah (dynamic camera) ayaa haatan loo adeegsadaa orodada iyo tartanka baabuurta ee Formula 1 oo qura, waana markii ugu horreeysey ee abid loo adeegsado ciyaar kubadda cagta ah.

SIDEE U SHAQAYSAA? Kaamiradan ayaa oo sida otomaatig toogta u ridaysa waxay la soconaysaa dhaqaaqa kubadda oo ay ka eegayso xaglo fara badan iyada oo ku xiran xarko kayballo ah oo kasoo lalminaya garoonka ciyaarta.

Waxayna ku shaqaynaysaa nidaamka algorithm-ka, iyadoo soo saaraysa muuqaal u dhigma midka ciyaar gacmeedka oo faahfaahsan, iyadoo xaglo badan muuqaalka kaa tusaysa.

Hadalsame Media