RASMI: MW Donald Trump oo si rasmi ah uga guurey Aqalka Cad + Sawirro

0

(Washington, DC) 20 Jan 2021 – MW Donald Trump ayaa ka baxay Aqalka Cad iyadoo ay saacado yari ka hareen xil-hayntiisa, si uu madaxtooyada usoo dego MW dooran ee Joe Biden.

Mr Trump ayaa dayuuradda qumaatiga u kacda ee Marine One ka qaatay beerta Aqalka Cad, iyadoo ay wehlinayso xaaskiisa Melania.

Mr Trump oo noqday MW ugu horreeyey ee caleemo saarka qaaddaca tan iyo 1869-kii oo uu tabtiisa yeelay Andrew Johnson oo qaaddacay Ulysses S Grant, ayaa lagu sagootin doonaa saldhig cireedka Joint Base Andrews ee Maryland kahor inta aanay dayuuradda Air Force One u gelbin beerta nasiinada ee Mar-a-Lago oo ah meel xeegada lagu dheelo oo ku taalla Palm Beach.

Mr Biden ayaa la dhaarin doonaa saacaddu marka ay tahay 17:00 GMT aminta Washington, iyadoo caasimadda la dhigay ciidan xooggan oo gaaraya 25,000 oo askari, waloow aanay dad kasoo qaybgeli doonin caleemo saarka.

Hadalsame Media