QAYBI OO XUKUN: Federaalka qabyaaladeysan ee Somalia (Qaybtii 4-aad)

0

(Hadalsame) 19 Jan 2021 – Si kastaba, sanadkii 1999kii ayuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku guuleystay in uu isugu yeero Soomaalida si loo heshiiyo loona yagleelo dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed tan iyo burburkii. Waxa xigay qas ay Itoobiya ku burburisey dowladdii lagu soo dhisay Carta; waxana la isugu yeeray shir kale kaasoo ka dhacay Keenya qaatayna ku dhowaad laba (2) sano. Shirkaan wuxuu ahaa kii dilay dowladnimadii Soomaaliya ka dib markii naloo soo qoray hannaanka ‘federalka’ iyadoo aan cidna lagala tashan; aftina loo qaadin, lana halmaamay sidii laga yeeli lahaa Hargeysa oo wax tabaneysey goonnina u taagnayd hal cabbaar ah! Halkan ka akhri qaybtii hore…

Gobollada Waqooyi Bari ayaa qaatay ‘federaalka’ ka dib markii ay Itoobiya muquunisay, waxa ku xigey xukuumaddii Cabdullaahi Yuusuf oo ay iyadana Itoobiya dabada ka riixeysey. Imaanshihii Cabdullaahi Yuusufna waxa bilowday xasuuq agaasiman oo ay geysanayeen ciidanka Itoobiya iyo xukuumaddii Soomaaliya ee xilligaas, ka dibna waxa kacay muqaawamo ay markii dambe ka farcameen Shabaabka sidaasna lagu beddelay xukuumaddii. Wadaaddadii beddelay ee uu hogaaminayey Shariif Sheekh Axmed. ‘Federaalkii’ qabyaaladeysnaa  wuxuu gaaray dalkoo dhan; min Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Dhuusamarreeb, Garoowe,  iyo xataa Hargeysa oo goonni-isu-taag ku doodeysa. Ma ahayn hannaan laga heshiiyey ama ay xaataa Soomaalidu wax talo ah ku lahayd. Walow ay Soomaalidu la dirirtay hannaankii dowladdii dhexe haddana halkii laga aadi lahaa hannaan dhex-furan waxaad mooddaa in la isku dirqiyey, iyadoon loo mel-dayin dhaqanka iyo diinta Soomaalida toona, hannanka ‘federaalka’ qabyaaladeysan ee faddarada ah.

Halista nidaamka ‘federaalka:’ 13 qodob oo xasaasi ah

Nidaamka ‘federaalka’ qabyaaladaysan ee Soomaaliya wuxuu halis iyo khatar aad u weyn ku yahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed oo ah bulsho wadaagta isir, af, dhaqan, dal iyo diin, ahna reer guuraa xoolo dhaqato, beeraley iyo ganacsato isugu jirta.

Halisaha uuu leeyahay nidaamkani waa ay badan yihiin waxana ka mid ah kuwa hoos ku qoran:-

  1. ‘Federaalka’ qabyaaladeysani wuxuu abuurayaa oo baahinayaaa is-nacaybka kala-qoqobka, shakiga iyo sad-bursiga;
  2. Waxa uu abuurayaa colaado hor leh kuna saleysan dhul iyo xukun-ballaarsi;
  3. Wuxuu kala xannibiyaa is-dhexgalka iyo isu-socodka bulshada Soomaaliyeed;
  4. Wuxuu lid ku yahay midnimada, wadajirka iyo wadaagidda dhaqan-dhaqaalihii ay Soomaalidu asalka iyo faracaba u lahayd abid;
  5. Wuxuu kala dhantaalayaa cududdeena, taasoo inoo keeni karta in cadaawuhu si fudud noo soo hunguriyeeyo isaga oo adeegsanaya mamul-qabiileedyada yar yarka ah, mid kastana gooni ula heshiinaya sidii ay boqortooyadii Ingriisku ay dalka ku qabsatay qarnigii 19naad iyada oo adeegsaneysa qiddadeedii caanka baxday ee “Qaybi oo Xukun;”
  6. Waxa uu abuurayaa xasillooni-darro siyaasadeed oo ba’an, taasoo ka hor-imaanaysa horumar kasta oo uu dalku ku tallaabsan karo;
  7. Wuxuu baahinayaa musuq-maasuqa isaga oo u daadejinaya heer gobol, degmo iyo tuulo; waxana yaraanaya anfaca gaaraya bulshada Soomaaliyeed.
  8. Wuxuu sharciyeynayaa, oo uu awood xad-dhaaf ah siinayaa, hoggaamiye-qabiileedyada kala hogaaminaya maamul-qabiileedyada kala duwan, taasoo aan marnaba bullaalineynin qarannimada Soomaaliyeed;
  9. Wuxuu sidii basasha oo kale si ba’an hoos ugu daadejinayaa qabyaaladda, taasoo keeneysa in qabiillada waaweyn ay ku tuntaan kuwa laga tirada badan yahay;
  10. Wuxuu badinaya khiyaanooyinka siyaasadeed ee lidka ku ah dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliya; iyada oo qaranku yeelanayo meelo badan oo looga soo dusi karo.
  11. Wuxuu kala daadiyaa dadka, dalka iyo fahanka diinta iyadoo lagu sababeeyo colaaddi kal hore;
  12. Waa wax aan meelna naga soo gelin annagana aannaan iska lahayn, sidaas darteedna ilaa hadda ay doodi ka jirto siduu noogu yimid annagoo hal dad ah, hal dal ku nool, hal diin leh, hal af leh, hal dhaqan leh, wax aan ku kala duwannahayna aysan jirin; ugu dambeyntiina
  13. ‘Federaalk’ qabyaaladeysani waa faddaro sidaan ka aragnay Gaalkacyo, doodad maqaamka Muqdisho, waxa hadda ka socda Beledweyne, mar kasta oo la gaaro xilliga doorashooyinka, gobollada Jubbooyinka, goonni-isu-taagga Hargeysa, iyo weliba sida aysan kuwa madaxda isku sheega uga xishoon oo ay sida joogtada ahi ugu af-lagaaddeeyaan damiirka qofka Soomaaliga ah.

La soco qayb 5-aad…

Waxaa Qoray: Mohamed Ismail Abdullahi (Mohamed Midnimo)

E-mail: [email protected]

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan

Hadalsame Media

Facebook Comments