”Wuxuu ku qaylinayey Allaahu akbar!” – Gegada Frankfurt oo dib loo furay kaddib markii laga kala cararay + Muuqaal & Sawirro

0

(Frankfurt) 17 Jan 2021 – Nin ayaa xalay sababay in dadka laga saaro garoonka wayn ee Frankfurt International Airport, kaddib markii uu mar qura bilaabay inuu ku qayliyo ‘Allaahu Akbar’ isagoo ka caroodey markii ay booliisku ku amreen inuu xirto gafuur-saab.

Ninkan oo lagu sheegay 38-jir kasoo jeeda Slovenia oo aan guri lahayn, ayaa booliiska ula dhaqmay qaab hujuumi ah isagoo ku qaylinaya; ‘Waa idin dilayaa dhamaantiin, Allaahu Akbar’, kahor intaanu ka tegin boorsadiisii oo aanu isku deyin inuu meesha ka cararo.

Terminal-ka 1-aad ee garoonka ayaa gebi ahaanba la banneeyey, iyadoo la dalbay booliis gurmad ah oo ka tirsan kuwa dhexe ee federaalka ah oo ah kuwa gacanta ku haya amaanka garoomada.

Waxaa markiiba baahdey cabsi iyadoo uu soo baxay war markii dambe beenoobey oo ahaa in nin kale oo hubaysani uu joogo terminal kale, iyadoo ay booliisku sheegeen in ninka ku qaylinayey ”Allaahu akbar” uu yahay nin ay horay faro uga hayeen, balse ay warkiisa u qaateen mid ay dhab ka tahay inuu wax sameeyo.

Duullimaadyo badan ayaa dib loo dhigay iyadoo saacado badan kaddib dib loo bilaabay howlihii garoonka oo ah midka ugu wayn Jarmanka oo dhan. Lama sheegin inuu ninkani Muslim yahay, iyadoo ay u badan tahay inuusan ahayn.

Hadalsame Media