INGIRIISKA: Dhakhtar Soomaali ah oo laga xannibay shatigii shaqada & waxa lagu haysto

0

(Manchester) 17 Jan 2021 – Dhakhtar Soomaali ah ayaa lagu dacweeyey Golaha Guud ee Caafimaadka (GMC) kaddib markii la sheegay inay ku adag tahay inuu fahmo af Ingiriisiga, taasoo keentay in haatan howlaha dhakhtarnimada laga xannibo muddo sanad ah.

Dr Abdullahi Abdi Yussuf, oo ah Soomaali qaxooti ahaan ku yimid Ingiriiska oo deggan Manchester, ayaa ku dooday inuu ku dedaalayey inuu barto lahjadaha reer woqooyiga sida  ‘Scouse’, ‘Lanky’ iyo ‘Manc’.

Yeelkeede, ninkan oo 51-jir ah ayaa ku dhacay imtixaanno xiriir ahaa oo laga qaaday oo ku saabsanaa dhegeysiga, dhigista, akhrinta iyo hadalka kaddib markii uu u fariistay imtixaanka luuqadda Ingiriisiga ee caalamiga ah (IELTS).

Bishii hore ayaa Yuusuf markale laga qaaday imtixaan kale balse waxaa gebi ahaanba laga xannibay shatigii howlaha caafimaad kaddib markii uu soo diray e-mail uu ku qoray Ingiriisi jajab ah oo naxwihiisu khaldan yahay, sida uu qorayo Daily Mail.

Yuusuf ayaa se ku doodaya in imtixaankii 1-aad ay fadhiyeen 4 kalkaaliye iyo 3 booliis ah kuwaasoo isku raacay in aanu jirin ”xayndaab luuqadeed oo u dhexeeya” isaga iyo bukaannadiisa, waloow uu dhibku ka yimid inuu intaa ku qoray Ingiriisi jajaban.

Ninkan ayaa Igiriiska yimi 2003 isagoo wata shahaado caafimaad oo uu kala yimi Somalia, wuxuuna deeto u wareegey Jaamacadda La Sapienza University ee Roma 2005.

Wuxu kaddib ku laabtay Somalia isagoo deeto Ingiriiska kusoo laabtay 2009-kii, isagoo uu qoyskiisu wehliyo, isagoo kaaliye dhakhtar ka noqday Manchester iyo Oldham.

Hadalsame Media