”Car heshiiskii ku laabta!” – Israel oo digniin adag u dirtay Maraykanka kuna gooddisey inay Iiraan weerarayso

0
Iran's nuclear enrichment facility in Natanz in 300 kms 186 (miles) south of capital Tehran, Iran, Monday April, 9, 2007. Iran announced Monday that it has begun enriching uranium with 3,000 centrifuges, a dramatic expansion of a nuclear program that has drawn U.N. sanctions and condemnation from the West. President Mahmoud Ahmadinejad said at a ceremony at the enrichment facility at Natanz that Iran was now capable of enriching nuclear fuel "on an industrial scale." Asked if Iran has begun injecting uranium gas into 3,000 centrifuges for enrichment, top nuclear negotiator Ali Larijani replied, "Yes." He did not elaborate, but it was the first confirmation that Iran had installed the larger set of centrifuges after months of saying it intends to do so. (AP Photo/Hasan Sarbakhshian)

(Tehraan) 16 Jan 2021 – Wasiir ka tirsan Xisbiga midigta ah ee Israel ka taliya ee Likud ayaa Maraykanka uga digey inay dib ugu laabtaan heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan marka uu xilka la wareego MW dooran ee Joe Biden, isagoo ku gooddiyey in haddii ay taasi dhacdo ay iyagu iskood u weerari doonaan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Wasiirka Arrimaha Bulshada, Tzachi Hanegbi, oo aad ugu dhow RW Benjamin Netanyahu, ayaa waraysi uu shalay siiyey Kan ku yiri: “Haddii uu Maraykanku dib ugu biiro heshiiskii barnaamijka nukliyeerka – taasoo ah qorshaha la sheegayo hadda – Israel kaligeed ayay wajihi doontaa Iiraan,”

Hanegbi ayaa sheegay in haddii uu Maraykanku heshiiskaa ku noqdo ay ka dhigan tahay in ”dunida oo uu wehliyo Maraykanku ay raalli ka noqonayaan Iiraan oo sii wadata barnaamijkeeda nukliyeerka.”

“Taas dabcan ma ogolaan doonno. Horayba laba jeer ayaan samaynay wixii loo baahnaa la yeelo., 1981-kii waxaan burburinney barnaamijkii nukliyeerka Ciraaq, halka 2007-dii aan weerarnay midkii Suuriya.” ayuu ku faanay.

Si kastaba, MW dooran ee Biden ayaa ololihiisa doorashada marar badan ku sheegay inuu dib ugu laaban doono barnaamijkii wadajirka ahaa ee Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA) oo ay 2015 la galeen dalka Iiraan, isla markaana ay qaybta ka ahaayeen UK, France, Germany, China iyo Russia. Donald Trump ayaa heshiiskaa ka baxay 2018-kii, sidaasoo ay ka dalbatay Israel.

Hadalsame Media