KENYA: Wadaad Masiixi ah oo ay xaaskiisa khaarajiyeen khamarjiyaal uu isagu u diray oo lasoo qabtay (Waxa ku maagay & cidda kashiftay?)

0
(Kisii) 16 Jan 2021 – Booliiska Kisii ayaa soo qabtay wadaad ka tirsan mad’habta Masiixiga ah ee Seventh Day Adventists (SDA), kaasoo khamarjiyaal u adeegsadey khaarajinta xaaskiisa kaddib markii uu telefoonkeeda ka helay farriimo jacayl ah oo ay kula xiriirtey rag uu gaabsi kala dhexeeyey.

Sida kasoo baxaysa xaafadda Keragia ee Bomachoge Chache Constituency, Mr Joel Mogaka, 38-jir, wuxuu rag dilayaal ah u kiraystey dilka xaaskiisii Ms Esther Nyambusi, kuwaasoo ceego nafta uga qaaday.

Sida ay sheegtay gabar adeegto ah, Mr Mogaka ayaa guriga yimid 4pm isagoo ay wehliyaan 2 nin, kuwaasoo uu u tilmaamay inay galaan maqsin galleeyda lagu kaydiyo, isna wuxuu galay guriga.

Deeto waxaa timid xaaskiisii Ms Esther saacad kaddib abbaarihii 5pm, deeto labadii nin ayaa iyagoo cartamaya kusoo baxay, iyagoo isaga kasoo saaray guriga wayn oo ku xareeyey maqsinkii. Waxaas oo dhan waxaa meel yara durugsan kala socda adeegtadii.

Markii ay xaasku isku dayday inay booliiska wacdo ama qayla dhaamiso waxaa khasab lagu geliyey guriga wayn, halkaasoo lagu ceejiyey Esther oo 32-jir ahayd, kahor intaanay ragga diley ku baxsanin mooto.

Deeto Mogaka ayaa meeshii kasoo baxay isagoo maydka xaaskiisa ula orday qaybta qaboojiyaja maydka ee Christamarianne Mission Hospital Mortuary, xilli uu iska dhigayo nin kusoo baxay goobta shilka.

Mr Mogaka oo horay looga fariisiyey wadaadnimada SDA ee Nyanchwa kaddib markii lagu eedeeyey gabar da’yar, isagoo kaddib samaystay ganacsi uu galleeyda uga iibinayo gobolka.

Sida uu xaqiijiyey Taliyaha Booliiska Kisii County, Jebel Monene, ninkan ayaa haatan isa soo dhiibey iyadoo lagu wado in Isniinta maxkamad lasoo taago, qoyska Nyambusi oo ay u hadashay Ruth Nyakara oo ka wayn haweenayda dhimatay ayaa cadaalad dalbaday, iyagoo sidoo kale ku baaqay in lasoo qabto khamarjiyaashii gabadha ceejiyey oo watey funaado madax gashi ama huudh leh.

Hadalsame Media