Masar oo iyaduna ku dhawaaqday inay soo celinayso xiriirkii Qadar (Goorta ay bilaabmayaan duullimaadyadu)

0

(Qaahira) 13 Jan 2021 – Masar ayaa noqotay dalkii ugu dambeeyey ee soo celiya xiriirka Qadar kaddib markii ay la heshiiyeen 3-dii dal ee kale ee xiriirka u jaray Dooxa, iyadoo ku dhawaaqday waqtiga ay bilaabmayaan duullimaadyada labada dal.

Arrintan ayaa dayuuradda ballaaran ee Qatar Airways u saamaxaysa inay adeegsato hawada ballaaran ee Masar sidoo kalena ay halkaa ka degto, sida ku dhigan Al-Ahram.

Sidoo kale EgyptAir ayaa bilaabaysa duullimaad maalinle ah oo ay ku kala bixinayso Qaahira iyo Dooxa, iyadoo la kordhinayo haddii ay baahiyi timaado, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaadiidka Cirka ee Masar.

Guddoonka EgyptAir ayaa hilin wareed maxalli ah u sheegay in ay duullimaadyada si rasmi ah oodda uga qaadayaan Jan 18 oo isku xiraya Qaahira iyo Dooxa, sidoo kale 4 duullimaad ayaa todobaadkii xiriirin doona Alexandria iyo Dooxa.

Qatar Airways ayaa iyada lagu wadaa inay bilowdo duullimaadkeedii Dooxa iyo Masar isla Jimcaha soo aaddan, sida ay sheegayaan ilo ku dhow Gegada Qaahira ee Caalamiga ah. Waxaa sidoo kale bilaabmaysa isu socodka badeecooyinka iyo alaabooyinka u kala gooshaya labada dhinac.

Hadalsame Media