”Taa ma yeelayno!” – Beesha Caalamka oo caddaysay hal arrin oo aysan Somalia ka aqbalaynin

0

(Muqdisho) 13 Jan 2021 – Dalalka jaalka la ah Somalia ayaa sheegay inay si qoto dheer uga walaacsan yihiin doorashada lagu muransan yahay ee Somalia, gaar ahaan fulinta heshiiskii 17-kii Sebtemar oo ay galeen DF Somalia iyo maamulladu.

“Waxaannu saamileeyda siyaasadda ku boorrinaynaa inay muujiyaan hoggaan iyo danta qaranka isla markaana ay deg deg xal iyo tanaasul uga gaaraan ismariwaaga si horay loogu socdo,” ayay u dhigan tahay warbixin kasoo baxday beesha caalamka.

Waxay sidoo kale hoggaanka Somalia usoo jeediyeen in la ixtiraamo qoondada 30% ee haweenka looga meel dhigay Baarlamanka.

”Hanjabaad kasta oo gacan ka hadal ku saabsan lama aqbali karo.” ayaa lagu qoray bayaanka, iyagoo sidoo kale ku baaqay in la helo madal furan oo ay kooxaha mucaaradku aragtidooda usoo bandhigan karaan si furan oo xor ah xannibaad la’aan.

Jaalka Somalia ayaa ka kooban AMISOM, AU, Belgium, Canada, Denmark, Egypt, Ethiopia, European Union, France, Germany, IGAD, Italy, Ireland, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, UK, US iyo QM.

Warkan ayaa soo baxay kaddib markii uu RW Mohamed Hussein Roble uu Sabtigii ku dhawaaqay inay doorashadu dhici doonto xitaa haddii aan loo dhamayn.

Beesha Caalamka ayaa Somalia ku bixisa lacago balaayiin ah, waloow nasiib darro la la’yahay hoggaan mas’uuliyad leh oo isku raaci kara danta dalka iyo dadka.

Hadalsame Media