Aqalka Wakiillada ee Koongarayska oo guda galay diyaarinta gole joojinta 2-aad ee Trump (Caqabad hor taalla)

0

(Washington, DC) 13 Jan 2021 – Aqalka Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka ayaa bilaabay qorshe ay ku diyaarinayaan u codaynta gole joonjinta 2-aad ee MW Donald Trump oo lagu haysto doorkii uu ka qaatay dadkii todobaadkii tegey ku qamaamay isla xarunta Koongarayska.

Gole joojintani ma hirgeli kartaa?

Maadaama ay Dimoqraadigu leeyihiin aqlabiyadda Aqalka Wakiillada, waxay u badan tahay inay codayntani ”haa” ku dhamaato, yeelkeede, kiisku wuxuu deeto u jihaysanayaa Aqalka Sare ee Senet-ka, halkaasoo laga doonayo inuu isna ogolaado.

Waxaa loo baahan yahay aqlabiyad 3 meelood oo 2 meel ah (2/3), taasoo ka dhigan in Dimoqraadigu ay ugu yaraan 17 cod uga baahan yihiin Senetarrada Jamhuuriga si ay gole joojintu u hirgasho.

Ha yeeshee, taa lafteedu haatan ma adka, oo sida ay xoguhu sheegayaan waxaa diyaar ah ilaa 20 Senetar oo Jamhuuri ah oo diyaar u ah inay ka codeeyaan Trump haddii aanay is bedelin, sida uu qorayo New York Times.

Hadalsame Media