DEG DEG: DF Itoobiya oo sheegtay inay dishey Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya Seyoum Mesfin & Wasiir kale

0

(Addis Ababa) 13 Jan 2021 – Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay dileen Wasiir Dibadeedkii hore ee Itoobiya, Seyoum Mesfin kaasoo ku dhintay dagaal ka dhacay gobolka Tigraay.

Jeneraal Tesfaye Ayalew, Taliyaha Xoogga Itoobiya ee ENDF ayaa sheegay in Seyoum Mesfin lala diley Asmelash Woldeselassie, oo ka tirsanaa madaxda goosimaha Baarlamanka Itoobiya iyo Abay Tsehaye, Wasiirkii Arrimaha Federaalka Itoobiya.

Ayalew ayaa intaa raacshey in sidoo kale la qabtay 5 rayid ah iyo saraakiil hore oo ciidan sida ay faafisay saxaafadda Itoobiya.

DF Itoobiya ayaa tan iyo 4tii Nofeembar dagaal ka waddey gobolka Tigraay kaddib markii ay TPLF weerar ku qaadday Taliska Woqooyi ee Xoogga ENDF

Hadalsame Media