Feeryahan Muslim ah oo soo bandhigay isaga oo ku toog baranaya qori Daba-jeex ah (Daawo)

0

(Grozny) 10 Jan 2021 – Jookarka Feerka Miisaanka Fudud ee UFC, Khamzat Chimaev, ayaa soo bandhigay muuqaallo isagoo ku toog baranaya qori PKM ah kaddib markii uu booqday hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Chechen-ka oo ah halka uu kasoo jeedo, Ramzan Kadyrov.

Ninkan oo Sweden u dalaabay markii uu 19-jir ahaa haatanna ku feertama Allstars Gym oo ku yaalla Stockholm, ayaa ku noqday Jamhuuriyaddan ka tirsan Xiriirka Ruushka bishan Jannaayo, isagoo la kulmay dadwaynaha maxalliga ah iyo ninka aadka u taageera MMA ee Kadyrov.

Feeryahankan 26-jirka ah ayaa dadka usoo bandhigay isaga oo ridaya qori PKM ah isagoo muuqaalka dhigay bartiisa Instagram oo uu ku leeyahay 1.2 milyan oo raace.

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Khamzat Chimaev (@khamzat_chimaev)

 

View this post on Instagram

 

A post shared by Khamzat Chimaev (@khamzat_chimaev)

Hadalsame Media