WhatsApp oo bisha soo aaddan bilaabaya siyaasad cusub oo HALIS ku ah xogahaaga gaarka ah (Iska eeg)

0

(Menlo Park, CA) 07 Jan 2021 – Farriin qaadaha WhatsApp ayaa hadda kaddib adeegsadayaasha khasab uga dhigi doona inay la wadaagaan xogohooda gaarka ah oo ay iyaguna lasii wadaagayaan Facebook oo ah shirkadda iska leh, sida ku cad siyaasadda cusub ee app-kan oo muran ka taagan yahay.

WhatsApp ayaa Facebook u gudbin doona xog ka badan sawir profile saaran iyo magac, balse wuxuu gudbin doonaa lambarka telefoonkaaga, cinwaanka gurigaaga, waxyaabaha aad qof kale u dirto ama ka guddoonto iyo xitaa tafaasiil kala dhigan oo ku saabsan telefoonka aad adeegsanayso, koontadaada lacageed iyo lagacaha aad ka kala xawishey.

Waxaa kale oo shaac laga dhigaya xogaha ku saabsan cinwaannada meelaha aad wax ka dalbatay, waxyaabaha aad soo iibsatey, lacagta aad ku bixisay iwm, taasoo ka mid ah xeerarka cusub ee uu dejiyey Facebook.

Siyaasadda cusub ayaa hirgeleysa wixii loo gaaro 8-da Febraayo oo ah bisha soo aaddan, iyadoo Isniintii hore si tartiib ah oo juuq la’aan ah loosoo dhigay webka app-kan.

WhatsApp ayaa marka aad furto kuu keenaya dialogue box uu kaaga dalbanayo in aad aqbasho tibxaha cusub ee heshiiskan, adigoo haddii aad aqbasho sidaa ku bixinaya xogahaasi.

Halkan ka akhri…

Hadalsame Media