Wax kasta oo aad uga baahan tahay ”ceebtii” xalay ka dhacday dalka Maraykanka (Warbixin)

0

(Washington, DC) 07 Jan 2021 – MW Maraykanka ee Donald Trump ayaa biyo kulul ku jira isagoo ugu dambayn ogolaaday inuu xilka si ‘nabdoon’ u wareejiyo kaddib markii ay taageerayaashiisu xalay qabsadeen Aqalka Koongarayska ee Capitol Hill.

Xildhibaannada labada aqal oo xilligaa ku jirey kulan ay u dhamaayeen oo lagu sugayey saxnimada natiijada doorashada Maraykanka ayaa mar qura lala cararay kaddib markii ay dad mudaaharadaya ay soo galeen gudaha aqalka oo ay ku jirto qaacada shirka iyo fadhiga shir-guddoonka.

Ciidamo dheeraad ah oo ka kala tirsan kuwa caasimadda, Booliiska heerka federaal ee FBI iyo ilaalada madaxda ee US Secret Service oo ay wehliyaan kuwa National Guard ee Washington DC ayaa soo buuxiyey jidadka caasimadda oo bandow la saaray, iyadoo saacado kaddib xaalka caadi lagu soo celiyey, iyadoo la xirey dad 60 ku dhowaad ah. 4 qof ayaa dhimatay.

Trump oo uu Madaxwaynaha dooran ka codsaday inuu dadka fowdada wado la hadlo ayaa xaaladda uga sii daray kaddib markii uu ku tilmaamay ”wadaniyiin uu jecel yahay”, isagoo markale ku celiyey in doorashada lagu shubtay, taasoo dhalisay in la dabro koontooyinkiisa baraha bulshada oo dhan muddo 12 saacadood ah.

Madaxdii caalamka oo ku jirta xaalad af kala taag ah ayaa meelo kala duwan kasoo hadashay, iyadoo uu RW UK uu waxa dhacay ku sheegay ”sharaf dhac”. MW EU, Charles Michel, ayaa tibaaxay inay argagax tahay in muuqaal noocan ah lagu arko Capitol Hill oo uu ku tilmaamay ”macbadkii dimoqraadiyadda.”

Koongarayska oo dib iskugu soo laabtay ayaa si rasmi ah ugu codeeyey sugidda madaxnimada Joe Biden oo helay 306 – 232 cod, iyadoo qaar ka mid ah saaxiibbadii Trump ugu cad caddaa sida Lindsey Graham iyo Mitch McConnell oo sidoo kale ka mid ah geed-fadhiga Jamuuriga ay dhabarka u jeediyeen iyagoo burcad iyo tuugo ku sheegay dadka kusoo qamaamay Aqalka Koongarayska.

Trump oo marar badan horay si dadban ugu baaqay in la weeraro Capitol Hill ayaa lasoo jeediyey in lasoo gole joojiyo isla markaana aanu lahayn faya-qab uu xilka kusii hayo, iyadoo warqad rasmi ah lagu codsaday in la hirgeliyo Qodokbka 25-aad ee Dastuurka Maraykanka oo qaba in xilka laga qaado Madaxwaynaha haddii uu xilka gudan waayo loona dhaariyo ku xigeenkiisa waloow uu waqtiguba yar yahay oo Madaxwaynaha-doorani imanayo 20-ka bishan, balse si kastaba Trump ayaa iminka ogolaaday inuu xilka wareejinayo, balse wuxuu sii raaciyey inuu hadda uun ”bilow yahay qorshaha Maraykanka looga dhigayo dal wayn.” Waxaa sidoo kale la baarayaa sida sahlan ee looga saa’id caleeyey ciidankii ilaalada ahaa.

Dad badan ayaa Xisbiga Jamhuuriga ku eedeeyey inay muddo dheer sugeen inay dhacaan wixii xalay dhacay oo ay iska caddayd inay dhici karto, marka la eego fan-hadalka sumaysan ee Trump.

Sidoo kale Booliiska iyo lakabyada amaanka ee Maraykanka ayaa lagu eedeeynayaa laba-wejiilayn, iyagoo gacan adag kala hor tegey dibed-baxyadii BLM markii ay soo gaareen caasimadda Washington DC, balse si debecsan u wajahay dadkii xalay ku qamaamay Capitol Hill oo u badnaa caddaan cunsuri ah.

Si kastaba, Maraykanka ayaa haatan taagan jid isgoys ah, iyadoo aad looga dayriyey in siyaasadda shacbawiga ah ee uu Trump tallaalay oo loo bixiyey Trumpism oo ka faa’iidaysanaysa dareenka qaar ka tirsan bulshada oo iminka fahamsan inay maxaddo heshay aragtidooda siyaasadeed ay ku dhiirran doonaan falal badan oo halis ah, iyadoo ay soo bixi karaan siyaasiyiin kale oo qaada jidka Trump, taasoo ugu dambayn burburin karta midnimada Maraykanka.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media