Arrinta Sufyaan oo af kale yeelatay & dilka weriyeyaal lagu eedeeynayo + Jawaabtiisa (Ma Sufyaan mise Taakeeye?!)

0

(Hadalsame) 06 Jan 2021 – WAA KUMA NINKAN MAALMAHAAN KU BADNAA BARAHA BULSHADA? Sufyaan mise Taakeeye?

Beryahan waxa la hadal hayey ninkan muuqaalka hoose ka muuqdaa oo soo bandhigay labo muuqaal oo dood & sheeko badan abuuray.

Ugu horeyn wuxuu soo muuqday/soo caanbaxay isagoo afar gabdhood oo uu ku sheegay inay xaasaskiisa yihiin ay garbaha ka taagan yihiin. Waxaana ay bulshada la wadaagayeen nolosha qaaska ah ee qoyskooda.

Mar labaad ayuu hadana soo muuqday isagoo ku doodaya in calanka jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay mid sheydaanka lagu caabudo. Ku dheeraan mayo waxa uu sheegay ee waxaa xiiso gaar ah yeelatay markii dadku ku mashquuleen qofka uu yahay ninkana. Weriyayaal asxaabta ah ayaa tilmaamay inuu yahay ninkan weriye hore oo Maxamed Taakeeye loo yaqaanay kaasoo magacii iska badalay.

Wariyayaasha bulshada la wadaagay sheekadan waxaa ka mid ahaa Cabdi casiis Afrika oo sheegay inuu yahay ninkani Taakeeye oo lagu tuhmayo dilka wariyayaal dhowr ah.
Suufyaan wuxuu isku dayey inuu sheekada iska jeediyo waana uu beeniyey inuu yahay dilaa, waxaana uu ku dooday markii dilku dhacayey oo ahayd 1991-dii inuu ahaa canug yar.

Balse marnaba ma aanu beenin, mana qiran inuu yahay Taakeeye. Hadaba si aan sheekadaan u hubsado ayaan la xiriiray wariyayaashii hore ee 1990 illaa 1991-dii radio Muqdisho joogay qaarkood oo aan weydiiyey inay ninkaan aqoonsan karaan, waxayna isku raaceen inuu yahay Taakeeye oo ay ku tabayaan inay gacantiisa ku baxeen saaxiibadoodii shaqo sida: Mahad Aadan Xasan, Xaange iyo Cabdulqaadir Cali Iidle.

Sufyaan ayaa dhanka kale wax laga waydiiyey arrintan oo uu eeddeeda iska fogeeyey wararka qaar oo is dhaafsanna sheegay ee halkan ka DAAWO

W/Q: Jabril Abdulle Macalin (Jabra)

Hadalsame Media