Madaxda DF Somalia oo qaadatay go’aan geesinnimo leh!!

0

(Hadalsame) 06 Jan 2021 – Maalintii shalay waxaan axsaabta ku xiran boggeyga Facebook kula wadaagay qoraal uu qoray Aqoonyahanka Soomaaliyeed ee dhinaca Dhaqaalaha ku taqasusay Proff Yaxye Caamir Xaaji Ibraahim, qoraalkaas oo uu kaga hadlayey heshiis dhinaca shidaalka ah oo ay Soomaaliya la saxiixanayso shirkadaha kala ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas iyadoo Shirkadihii kale ee caalamka ee waaweynaa ay diideen in ay ka qeybgalaan Heshiiskaas xaraashka Shidaalka.

Proff Yaxye Caamir waxuu qoraalkiisu ku xusay in hadii heshiiskaas uu dhaco khatar uu ku yahay Soomaaliya.

Haddaba arintaas oo shaqsiyan walaac aad u badan igu abuurtay sidoo kalena Soomaali badan ay ila qabaan walaacaas ayaa waxaa dhacday inaan la xiriirey ilo war gal ah oo aan aad ugu kalsoonahay Magaalada Muqdisho ku sugan arimahana la socday waxaana ay ila wadaageen sida ay wax u dhaceen.

Ilaha aan la xiriirey waxa ay ii sheegeen iina xaqiijiyeen in maalintii Isniinta uu shir aad u xasaasi ahaa oo saacado badan qaatay uu ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya ayna ka qeyb galeeen Khubaro ku takhsuusay Shidaalka, qaar ka socday Maaliyada, kuwa Sharciyada iyo Qaanuunka dalka iyo Wasaarada Arimaha Dibada.

Khubaradu waxa ay maalintaas la kulmeen Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulahi Farmaajo, waxuuna ka dhagaystay talooyinkooda iyo aragtiyaha ay ka qabaan heshiiska la sheegay in Soomaaliya ay la saxiixanayso shirkadaha ajnabiga ah ee shidaalka oo kala ah Liberty iyo Coastline Exploration Petroleum oo ah Ex- SomaOil and Gas.

Dood iyo falanqeyn dheer ka dib Madaxweyne Farmaajo, markii uu dhinacyo badan ka eegay heshiiskaas ayaa waxuu qaatay Go’aan Geesinimo leh waxuuna gebi ahaan diiday in heshiiskaas Soomaaliya ay saxiixdo isagoo arintaa ku sababayeey in aysan dan ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhab ahaan waa wax lagu bogaadiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo, go’aanka qiimaha badan ee uu qaatay iyo weliba ragga kale ee gacanta ka geystay in heshiisakaas uusan meel marin.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Colombo

Hadalsame Media