Turkiga oo gaadiid gaashaaman oo berri-biyood ah ka iibinaya dal Eeshiyaan ah & shaqo gaar ah oo uu qabanayo + Sawirro

0

(Ankara) 05 Jan 2021 – Sharikadda agabka ciidanka farsamaysa ee Turkishka ee FNSS ayaa dalka Philipines u dhoofinaysa gaadiidka gaashaaman ee culus gaar ahaan nooca dhulka geed qaada ee AACE oo sidoo kale dhanka sahayda ka taageera ciidanka oo weliba ah berri-biyood.

Qandaraas oo kala saxiixdeen FNSS iyo Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi Philippines ee DND, ayaa dhigaya in gaadiidkan loo daabulo dalkaasi isla markaana la siiyo tababarro ku saabsan sida loo isticmaalo iyo mid dhanka sahayda ah dhamaadka Maarso 2023-ka.

Hadafka ugu wayn ee mashruucani waa in la casriyeeyo Ciidanka Xoogga Philipines, isla markaana la kordhiyo mugga ay u leeyihiin awoodda dhanka injineeriyadda.

Gaadiidkan oo ay FNSS ku samaysay dalka Turkey, ayaa loo daabulayaa  Philippines kaddib markii 2 tijaabo looga qaaday labada dal.

Hadalsame Media