MBS oo si qoto dheer hab u siiyey Amiirka Qadar oo Sucuudiga ka degey

0

(Riyaad) 05 Jan 2021 – Madaxda dalalka Khaliijka ayaa ku kulmaya Sucuudiga oo martigelinaya shir sanadeedka GCC kaddib markii heshiis laga gaarey murankii xulafada Sucuudiga ee Qadar go’doomiyey.

Waxaa haatan Sucuudiga ka degey Amiirka Qadar Sheekh Tamiim, kaasoo uu soo dhoweeyey Dhaxal-sugaha MBS oo si qoto dheer hab u siiyey markii uu dayuuradda kasoo degey, sida ka muuqata sawirrada.

Sucuudiga ayaa furay xadka ay la leeyihiin Qadar oo xirnaa 3 sano iyo bar, iyadoo ay sidoo kale xiriirka u jareen Masar, Imaaraadka iyo Baxrayn, kuwaasoo dhinac kasta ka xirey.

Waloow ay Sucuudigu u muuqdaan inay tillaabadan iyagu qaadeen misna heshiis guud oo ay 3-da dal ee kale qayb ka yihiin ayaa ka fog mid dhow ama la damaanad qaadi karo.

Gaar ahaan waxaa aad qoorta iskugula jira Imaaraadka iyo Qadar oo aydholojiyad ahaan aad u kala fog marka la eego arrimo badan.

Hadalsame Media