”Haddii aysan iyagu isku hallayn karin amaanka Garoonka ma annaga ayay halis na gelinayaan?!” – Musharrixiinta oo furka ku tuuray go’aanka DF

0

(Muqdisho) 04 Jan 2021 – Musharraxiinta ayaa ganafka ku dhuftay go’aan ka soo baxay DF Somalia, kaasoo lagu mamnuucay in hubka lala galo gudaha Garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo madaxda dalka.

Guddoonka Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ku hadlayey afka musharraxiinta ayaa diidey go’aankan oo uu ku tilmaamay mid aan ”la aqbali karin oo dhan u buusan” isla markaana iyaga lagu bartilmaameedsanayo, sida uu yiri.

Warsame oo VOA u warramaya ayaa tibaaxay in arrintan lagu doonayo in khalkhal iyo haddii haddii lagu geliyo amaankooda, maadaama aanu ahayn mid loo dhan yahay oo madaxda xilka haysa loo fasaxay inay hubka la galaan garoonka.

“Haddii ay iyagu (madaxda) amniga garoonka isku aamini waayeen ma anaga ayay meel khatar ah na gelinayaan?,” ayuu is waydiiyey Warsame oo sheegay inaysan caqli ahayn in madaxda xilka haysa la ilaaliyo iyagana la baylihiyo.

Go’aankan ayaa horraanba loo hadal hayey in uu ku ligan yahay musharrixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, balse dad badan ayaa ku tilmaamay go’aan aan si buuxda loo dhuuxin loogana baaraandegin, maadaama uu kicin karo xiisad hor leh.

Hadalsame Media