DF Somalia oo qiratay inuu iyaga ka tirsanaa nin gabdho ku xabadeeyay Muqdisho & tillaabada ay qaadday

0

(Muqdisho) 04 Jan 2021 – Nin beri dhowayd uu sawirkiisu baraha bulshada qabsaday oo lagu doodayey cidda uu ka tirsanaa ayaa haatan haybtiisa qayb ahaan la xaqiijiyey.

Ninkan ayaa la arkayey isaga oo bastoolad ku fiiqaya gabdho Soomaaliyeed oo ku dibadbaxayay magaalada Muqdisho, wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya inuu rasaas ku ridey, waxaana haatan ay DF xaqiijisay in uu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Sida uu VOA u xaqiijiyey Wasiirka Amniga Xukuumadda DF Somalia, Xassan Xundubey Jimcaale, ninkaa oo iminka la soo qabtay gacantana usoo galay Wasaaradda Amaanka, ayaa ka tirsanaa Booliiska.

”Ninkan waa la soo qabtay booliska ayuuna ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan,” ayuu yiri Wasiirku.

”Khalad waa dhacayaa, cid kasta ayuuna ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa.” ayuu daba dhigay Wasiir Xundubey.

Xundubay ayaa tilmaamay in sababta ay DF mararka qaar u diiddo in ay dibedbaxyo dhacaan ay tahay iyaga oo ka walaacsan amaanka maadaama laga faa’iidaysan karo isu soo baxa dadwaynaha.

Hadalsame Media

 

Facebook Comments