SAWIRRO: Turkiga oo soo saaray hannaan kacaamin doona sida loo baaro Covid-19 (Waxaa la adeegsanayaa Tiknolojiyadda Nano)

0
(Ankara) 01 Jan 2021 – Saynisyahanno Turki ayaa sheegay in ay sameeyeen habkii ugu dhaqse badnaa ee lagu ogaan karo inuu qofku qabo cudurka coronavirus taasoo weliba 99% sax ah kaaga darane natiijadu waxay kusoo baxaysaa wax ka yar 9 ilbiriqsi – iyadoo aan weliba loo baahanin in sanka saami laga qaado.

Diagnovir, waxaa soo saaray cilmi baarayaasha Jaamacadda Bilkent University, waana hab-baaris oo adeegsanaysa waxa loo yaqaanno tiknolojiyadda cillanka ah ee nanotechnology si qofka looga baaro COVID-19.

Marka hore, waxaa saami dhecaan ah laga qaadayaa afka qofka kahor inta aan milan lagu qasin isla markaana aan la dhigin halka lagu baaro cudurrada.

“Waxay cudurka kusoo saaraysaa saxnaan aad u sarreeysa iyadoo soo gudbinaysa ishaaro ifaysa.” ayuu yiri Ali Aytac Seyman, oo ah cilmi baare ka tirsan National Nanotechnology Research Centre (UNAM).

Wuxuu sheegay inay aad uga fiican tahay hannaanka haatan la isticmaalo ee PCR, kaasoo ogaan kara kaliya qaar ka mid ah hidde-sidka fayruska kahor inta aanu waynayso ku ballaarin, halka Diagnovir “uu diiradda saarayo jiritaanka fayruska isaga oo adeegsanayo bikaacyo arag fiiqan leh.”

Waxay kaga dartay inay natiijada kusoo gudbinayso 5-10 ilbiriqsi oo qura, halka marka ay najiiyadu taban tahay oo qofku aanu cudurka qabin ay qaadanayso ilaa 20 ilbiriqsi oo qura ama 1/3 hal daqiiqo.

Cilbi baarayaasha ayaa haatan ku maqan inay rukhsad ka helaan Dowladda Turkiga si ay usoo saaraan agab caafimaadkan oo looga maarmi doono hannaanka PCR.

Hadalsame Media