Afrika oo UK fursado badan ka heli karta (EU & UK oo shalay kala baxay)

0

(London) 01 Di 2020 – Waxaa shalay si rasmi ah u kala baxay Midowga Yurub iyo UK, balse Afrika ayaa fursad cusub ka heli karta UK kaddib waayaha dhamaaday ee Brexit oo 4 sano jiitamayey.

Sida ay qabaan khubaradu, waloow ay yaraan karaan soo galootiga UK imanaya guud ahaan, misna waxaa kordhi kara fursada soo galootiga ka imanaya wadamada aan EU ahayn, gaar ahaan kuwa dalalka ku jira suuqa barwaaqa sooranka ee loo yaqaan  Commonwealth ee uu Ingiriisku gumaysan jirey oo ay Afrika dalal badani uga jiraan.

Waxay taasi kordhin kartaa lacagaha billaha ah ee ay qurba joogta dalalkaasi u diraan qoysaskooda iyo asxaabtooda ku dhaqan dalalkaasi.

Yeelkeede, maadaama la hirgelinayo hannaan dhibco ku dhisan oo qofka lagu qaadanayo xirfad iyo aqoon waxaa la sheegayaa inay taasi weli u xaglinayso dadka ka imanaya dalalka hormaray ee Yurub iyo Maraykanka.

Hadalsame Media