Kaligii duul ”dac-darraysan” mise dilaa arxan daran? – Warbaahinta Maraykanka oo si munaafaqadaysan u wajahdey qaraxii ka dhacay magaalada Nashville (Warbixin culus)

0

(Nashville) 29 Dis 2020 – Markii ay caddaatay in 63-jirka Anthony Quinn Warner uu yahay la tuhunsanaha ka dambeeya qaraxii ka dhacay magaalada Nashville, MW Donald Trump afkii baa juuqda gabay.

Warbaahinta afka dheer ee Maraykankuna ma dhaamaan, tiiyoo ay caddahay in falka dhacay uu si kasta xag-jirnimo iyo argagixiso u yahay, misna Werner oo is halligey 3 qofna dhaawacay, waxaa cinwaanka sheekadiisa lagu koobay ”nin caddaan ah oo kaligii duul ah”, marna lama soo hadal qaadin magacyada ”argagixiso iyo qarax is miidaamin” toona.

MW Trump oo aad u difaacey cunsuriyiinta la baxay naanaysta ”Cududda Caddaanka” ayaa si dhiirran u weerarayey dadkii madowga ahaa ee ka dhiidhinayey dilkii bareerka ahaa ee ay booliisku u gaysteen George Floyd, isagoo xitaa dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ku sheegay “astaan nacayb.”

Yeelkeede, kaddib qaraxii uu cunsurigu gaystey ee Nashville, wax juuq ah lagama maqlin, tiiyoo uu af labadii yeero marka ay weerarro noocaas ah gaystaan dadka laga tirada badan yahay qof ka tirsan.

Maraykanka ayaa tusaale ahaan weerarkii 11-ka Sebtembar u adeegsadey marmarsiinyo lagu xiro 762 qof oo Muslimiinta Maraykanka ah, halka sidaas oo kale lagu sameeyey Japanese-ka Maraykanka, kaddib weerarkii Pearl Harbor ee 1942-kii.

Warqaadyada ugu caansan Maraykanka oo uu xitaa ku jiro midka liberaalka ah ee The New York Times, ayaa ka caga taalleeyey inuu ninkan ku sheego waxa uu yahay oo ah argagixiso, isagoo taa biddeelka adeegsadey cinwaan ah “ninkii bamka ku qarxiyey Nashville,” taasoo keentay inay dadku weerar ku qaadaan wargayska dhanka baraha bulshada.

Wargays maxalli ah oo kasoo baxa magaalada la qarxiyey oo Quinn la yiraahdo ayaa Warner ku sheegay “kaligii duul,” oo ah eray ay inta badan adeegsadaan marka uu qofka ay sheekadu khuseeysaa caddaan yahay, kaasoo ay ku raaceen saxaafadda kale.

Wuxuu intaa raaciyey qoraal u garaabaya una qiil samaynaya ninka qaraxa gaystey oo uu ku tibaaxay ”oday geeri dhowr ahaa oo cudurka kansarka ah qabey”, kaasoo xitaa gaarigiisii iyo gurigiisii qof kale siiyey kahor intaanu weerarka qaadin. Waloow aysan dadka qaarkood sheekadaa iibsanin.

“Haddii uu qof is qarxiyo miyaan qofkaa lagu tilmaami karin is miidaamiye?” ayuu dadka waydiiyey tifaftiraha Daily Beast Md Molly Jong-Fast.

In yar kaddib markii ay badatay cabashada loo jeedinayo saxaafadda Maraykanka oo dood laga keenay dhexdhexaadnimadeeda iyo daacadnimadeeda, NY Times ayaa ku adkaystay inay sheekadani ka duwan tahay kuwa kale, iyadoo waxa qura ee ay uga duwan tahay ay tahay in qofka gaystey aanu Muslim iyo madow toona ahayn.

Sida uu qabo webka Refinery 29, tiiyoo ay caddaanka xag-jirka ihi ay ka halis iyo weerarro badan yihiin inta kale oo dhan, misna weerarrada ay ka dambeeyaan dad Muslimiin lagu sheegayo ayaa hela soo duwitaan ama faafin 357% ka badan kuwa ay gaystaan dadka caddaanka ah sida toogasho wadareedyada u badan Maraykanka oo lagu koobo qof “kali duul ah ama nin qulbanaa oo dhimirka si ka ahaa.”

“Haddii uu qofka is miidaamiyey ee Anthony Warner uu sidaa ka samayn lahaa Ciraaq ama Afghanistan, waxaa lagu sheegi lahaa weerar argagixiso, marka sababta aan sidaa loogu tilmaamaynin waa inuu yahay nin caddaan ah oo Maraykan ah?” ayuu is waydiiyey David Weissman oo ay wehlisey Midwin Charles, oo sharciga ka lafa-gurta CNN iyo MSNBC, iyadoo sheegtay in cinwaanka laga fahmi karo in Warner uu caddaan ahaa.

”Haddii uu sinji kale ahaan lahaa, kelmado xun xun ayaa loo adeegsan lahaa oo sida naxariis laawe, argagixiso, ma nexe, xayawaan iwm ayaa cinwaannada kasoo wada muuqan lahaa” ayay tiri Midwin.

MAXAA CADDAYNAYA INUU WEERARKA HORAY U QORSHEEYEY? Waloow ay saxaafaddu yaraynayso jiritaanka qorshe fog oo ka dambeeya weerarka Nashville, misna nin deris la ahaa Werner oo la yiraahdo Rick Laude ayaa The Associated Press (AP) u sheegay wax muujinaya inuu ninkani howshan muddo soo wadey, isagoo sheegay inuu todobaad kahor weerarka ay ku kulmeen meesha ay boostooyinku guryaha ugu soo dhacaan oo uu wax ka waydiiyey hooyadii oo waayeel ah iyo arrimo kale.

“Maxaad Santa ka rajaynaysaa ciiddan Masiixiga?” ayaan waydiiyey kaddib wuxuu Warner ku jawaabey isagoo dhoollacadaynaya “Oh,haa, dunidu marna ima illaawi doonto.” Taasoo muujinaysa in weerarkani aanu ahayn soo booddo ee uu qorshe hore ugu jirey ninka is qarxiyey.

 

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media