Sabab aan loogu deg degi karin ku ciyaarista Istaadiyo Muqdisho oo soo daahirtay!

0

(Hadalsame) 30 Dis 2020 – STADIUM MUQDISHO MAXAA HEYSTA?

Soomaaliya waxey leedahay garoon weyn oo qurux badan, la dhigay cawska macmalka ah, rinji qurux badan la mariyay, waxyaabo yaryar oo ka maqnaa ayaa lagu kordhiyay, wuxuu qaadaa taageerayaal badan, FIFA ayaa siisay shahaadada martigalinta ciyaaro caalami ah iyo inuu buuxiyay shuruudaha, balse maxaa heysta oo loogu qaban la’yahay ciyaaraha finalka maamul goboleedyada?

Soo dhawaaw, waxaan rabaa inaan ka hadlo dhanka adeegga farsamo ee garoonka.

Garoonka Stadium Muqdisho wali ma helin qiimeynta FIFA ee (SAFETY & SECURITY).

Shahaadada uu qaatay waa kaliya in cawska macmalka uu gudbay tijaabada iyo inuu la heer yahay garoonada Caalamiga ah.

AMAANKA & BADBAADADA?

Waxyaabaha la is weydiiyo waxey tahay, Stadium Muqdisho waa garoon ay dawladii dhexe ku dhacday ku dhawaad 30 dayactir dhameystiran ma helin, darbigiisa intuu culeys qaadi karo lama oga, miisaanka taageerayaasha uu xambaari karo lama oga, waa darbi duq ah, wuxuu rabaa qiimeyn ah ma yahay mid u dulqaadan kara culeyska iyo miisaanka tirada dad soo galeysa? Sidee la isugu haleyn karaa tayo ahaan?

Arintaas waa mid muhiim ah, ma waxaad rabtaan inuu dadka kusoo dumo garoonka? Sidaas darteed garoonka wali ma helin inuu martigalin karo taageerayaal badan.

Sidoo kale Security – Garoonka wuxuu leeyahay 8 Albaab oo furan, kuwaas oo loogu talagalay (Badqabka qofka inuu ku baxsado hadii dhib yimaado) Waxey u baahan tahay Masuuliyad amni oo weyn iyo in dadkii ka shaqeyn lahaa la tababaro.

Garoonka waa mid furan, Soomaalidana waa dad aan wali la qabsan nidaamka qurxoon, sidaas darteed iyadoon la helin Gidaar ama Shabaq ka celiya iney gudaha garoonka u galaan waa halis in garoonkaas ciyaaro nuucaan ah lagu qabto.

Garoonka waa mid joog sare, dadka ciyaaraha daawada ee Soomaalida ah una badan dhalinyarada waa kuwa aan aqlaaq fiican laheyn, waxaana suuragal ah in dhibaato badan dhacdo hadii aan intey kala qabsanayaan loo helin ciidan ammaan oo wax walba ka hor istaaga, Wey dagaalamaan, waana halis iney Fooqa sare ku dagaalamaan.

Garoonka Stadium Muqdisho wali diyaar uma ahan inuu ciyaarahaan martigaliyo, waana sharci jabin iyo halis galin ciyaartoyda, masuuliyiinta iyo taageerayaashaba.

Dhan Sharci iyo dhan bad-qabba garoonkaan laguma ciyaari karo, ee walaalayaal tartiibkiina dhulka dhab dhaha.

Waxaan mar kale ku celinayaa dadka shaqada ku leh hagidda iyo maareynta ciyaarta finalka iney ka taxadaraan taageerayaasha oo ay ka hor yimaadaan wixii dhacay kulankii ugu dambeeyay.

WABILLAAHI TOWFIIQ.

Waxaa Qoray: Cabdirashiid Maxamuud Nuur

Hadalsame Media