”Israel is huri mayno!” – Xisbullaah oo ka digtey dagaal ay kala hor tagaan ”daandaansi” ka socda xadka Lubnaan

0

(Beyruud) 27 Dis 2020 – Malliishiyada Shiicada ah ee Xisbullaah ayaa ka digtey inay dagaal furan oo ay la gasho Israel, kaddib markii ay sheegeen inay dareemaan ”daandaansi” keeni kara suurtagalnimadaasi.

Warkan ayaa kasoo yeerey Madaxa Guddiga Fulinta Xisbullaah, Hashem Safi Al-Din, sida ay werisey wakaaladda Lebanese-ka ah ee El-Nashra.

Safi Al-Din ayaa sheegay in mar kasta oo ay “Israel geliyaan xaalad ku dhisan cabsi iyo feejignaan ay ku guulaysanayaan inay ka nabad galaan dulmigeeda iyo dembiyada xun ee ay ku kacayso”, sida uu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in aysan is huri doonin isagoo doodda iminka taagan oo ah in la kala calaameeyo xadka ay dhanka biyaha kala leeyihiin Israel ay yihiin kuwo ay keeneen wada hadallada ay haatan kula jiraan Carabta qaar, balse ay iyagu halkaa aad uga fog yihiin ka Xisbullaahi ahaan.

Israel ayaa ciidamo dhoobaya xadka Lubnaan, tusaale madfaca ridada dheer ee howsarka 155mm hub uu ku jiro ayay dhigeen Upper Galilee oo ah woqooyiga Israel ee u dhow xadka Lubnaan 27-kii Luulyo 2020.

Hadalsame Media