Dadka British-ka ah oo bilaabay inay bartaan luuqadaha dalalka Midowga Yurub & sababta

0

(London) 27 Dis 2020 – Maadaama ay UK Khamiista soo aaddan ka baxayso ururka Midowga Yurub, tiradii ugu badnayd ee British ah ayaa bilaabay inay bartaan luuqadaha dalalka EU, sida ku cad Duolingo, oo ah app laga barto Faranskiiska.

Kumannaan kale oo Ingiriis ah ayaa sidoo kale bilaabay koorsooyin ay ku baranayaan Spanish, German, Talyaani, iyo luuqadaha kale ee reer EU – iyadoo ujeedada ka dambaysa ay ku jirto sidii ay u qaadan lahaayeen baasaboorrada dalalkan.

Maxine Brown, oo ah 27-jir sanadkii 2-aad dhaqaalaha baranaysa ayaa bilowday barashada afka Danish-ka 6-dii bilood ee ugu dambeeyey, iyadoo doonaysa inay u wareegto Denmark si ay uga shaqayso mashaariicda bay’ada.

“Waxaan bilaabay barashada afka Danish-ka bishii Maajo. Waxaana hadda akhrin karaa wargaysyada anigoo bilaabay inaan dhegeysto idaacadaha si aan codadka ula qabsado.” ayay tiri.

Maadaama aysan muwaadiniinta British-ku aanay Khamiista kaddib xaq u yeelan doonin in ay si otomaatig ah ugu noolaadaan, uga shaqaystaan ama wax ka bartaan dalalka EU marka la gaaro 31-ka bishan, Maxine waxay u baahan doontaa inay lacagta waxbarashada iska bixiso isla markaana ay dalbato rukhsad deganaansho.

“Haddii aad doonayso dhalashada Denmark, waxaad u baahan tahay in aad 9 sanadood dalka ku noolaato si xiriir ah, balse waxaa jira wadiiqooyin kale sida shaqo, waxbarasho iyo maalgashi, marka taasi i celin mayso oo waa wax aan doonayo inaan sameeyo.” ayay ku doodday.

UK haatan wuxuu ku jiraa 5-ta dal ee ugu badan ee ay dadkoodu wax ka bartaan app-ka Duolingo, iyagoo 132% kordhay sanadkii tegey oo qura.

Waxay sidoo kale wax ka bartaan app-ka isna luuqaadka laga barto ee Memrise kaasoo tan iyo Maarso oo qura sameeyey koror dhan 70% marka la eego dadka Ingiriiska oo baranaya luuqadaha Midowga Yurub, si ay fursado uga helaan.

Hadalsame Media