DAAWO: MW Farmaajo oo 4 sanadood kahor jeediyey TALO uu isagu maanta u baahan yahay

0

(Muqdisho) 27 Dis 2020 – Waxaa haatan lagu muransan yahay doorashada madaxtinnimada Somalia, kaddib markii ay Madaxtooyadu soo saartay guddi doorasho oo ay iyadu wadato, taasoo ka horjeedda hannaanada loo sameeyo doorashooyinka xorta ah.

Waxaa haatan soo baxay muuqaalka MW Maxamed Farmaajo oo xilligan oo kale xilligii la qaban qaabinayey doorashadii 2017-kii aad u dhaliilaya madaxdii xilligaa xilka haysey.

”Wax kasta oo musuq ah ama aan daah-furnayn cidna qaadan mayso, shacabkuna waa inay diidaan annaga musharrixiinta ihina waa diidney, umaddana waxaan leennahay ha u dulqaadanina waxa ay wadaan qolada haatan fadhisa Muqdisho.” ayuu leeyahay MW Farmaajo oo caraysan.

MW Farmaajo ayaa xilligaa aad u dhaliilayey DF oo uu markaa hoggaaminayey MW hore ee Xasan Sheekh, isagoo sidoo kale eedeeynayey Guddoonkii Baarlamanka xilligaas Md Jawaari iyo RW Cumar Cabdirashiid.

Dadka baraha bulshada ayaa haddaba MW Farmaajo ugu baaqay in uu maanta ka xishoodo wixii uu isla isagu shalay diidayey oo uu warkiisii uun dib u dhegeysto, si dalka iyo dadku horay ugu socdaan.

Hadalsame Media