DIBLOMAASIYADDII DOOLLARKA: “Laaluush ayuu qaatay!” – Wasiir Dibadeedka Malawi oo la sheegay inuu lacag ka qaatay Somaliland & laaluushyo uu dalal kale ka qaatay

0

(Lilongwe) 21 Dis 2020 – Wasiir Dibadeedka Malawi, Eisenhower Mkaka, oo awal lagu haystey inuu dayuuradda Malawian Airlines oo rakaab qaadi lahayd uu u kaxaystey Somaliland ayaa haatan eed kale loo haystaa, sida lagu xarriiqay Malawi News Network.

Waxay sheegeen in sababta uu diyaaraddan u ijaartey ay tahay in aan lagu qabsan kastamada dalalka kale si uu agab koontorobaan ah usoo geliyo Malawi, maadaama ay diyaaraddu u ingayran tahay.

“Wuxuu soo qaatay lacag badan isaga iyo saaxiibbo yar. Hadhoow Malawi ayaa Somaliland xiriir la samaysatay unbaa la iska oranayaa. Runtuna waa intaas,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Capital Hill.

Ilo hoose ayaa sheegaya in aanay ahayn markii ugu horreeysey ee uu laaluush jeebka kasoo buuxsado Mkaka tan iyo markii xilkan loo dhiibey 6 bilood kahor.

Wuxuu sarkaalkani sheegay inuu Hindiya ka qaatay US$900,000 oo doollar taallo loo dhisay aabihii Hindiya ee Mahatma Gandhi looga taago caasimadda Lilongwe kaddib markii ay diideem Malawian-ka ku dhaqan Blantyre oo xitaa maxkamadi ku raacday go’aankooda.

Mkaka ayaa sidoo kale laaluush ka qaatay si uu u fakiyo nin diinta Masiixiyadda ku qaraabta oo la yiraahdo Shepherd Bushiri, kaasoo South Africa looga haystey eedo la xiriira been abuur.

Malawi ayaa ah dal yar oo faqri iyo ciriiri bed ku nool kaasoo aan sinaba muhiimad dhaqaale, mid siyaasadeed & mid istaraatijiyadeed toona dunida iyo Afrikaba ku lahayn.

Hadalsame Media