Dadwaynaha reer Malawi oo aan u “ducaynin” booqashadii Wasiirkooda ee Somaliland + Sababta

0

(Lilongwe) 21 Dis 2020 – Dadwaynaha Malawi ayaan u duceeynin booqashadii uu Wasiir Dibadeedkoodu ku tegey woqooyiga Somalia (Somaliland), sida lagu qoray warqaadka Malawi Voice.

Wasiirka “madaxa yar” ee Umuuraha Dibedda ugu qaybsan Malawi, Eisenhower Mkaka, ayaa qaatay dayuuradda rakaabka ah ee Malawian Airlines safarkiisii Somaliland, taasoo keentay in la kansalo safarrada boqollaal reer Malawi ah.

Wargayska ayaa sheegay in Mkaka uu Dowladdiisa ka codsaday in la siiyo dayuurad uu kusoo fuliyo “danaha qaran” isagoo ku dooday inuu inta badan dibedda ku maqan yahay.

Yeelkeede, Malawi oo ah dal ka mid ah kuwa ugu faqrisan Afrika ayaa leh 3 dayuuradood oo rakaab ah oo qura: hal Boeng 737-700 iyo 2 Dash 8.

Taasi waxay keentay in la baajiyo safarro badan si uu u qaato midda ugu shidan oo ah tan Maraykan sameega ah ee Boeng 737.

Hadalsame Media