IGAD oo soo saaray War Murtiyeed aan marna lagu xusin muranka Somalia & Kenya (Maxay taasi caddaynaysaa?)

0

(Jabuuti) 21 Dis 2020 – IGAD ayaa War Murtiyeed rasmi ah kasoo saartay kulan-madaxeedka aan caadiga ahayn ee 38-aad ee uga socdey Jabuuti.

IGAD ayaa ka hadashay umuuraha Suudaan, Koonfurta Suudaan, khilaafka Itoobiya, muranka doorashada Somalia iyo cudurka Covid oo ay kaalmadiisa uga mahad celiyeen Midowga Yurub, balse marna warkooda kuma xusin doodda Somalia iyo Kenya.

Waxay DF Somalia ugu baaqeen inay dhaqan geliso geeddi socodkii Dhuusamareeb iyo heshiiskii DF iyo MF ay Muqdisho ku kala saxiixdeen 17-kii Sebtembar.

Waxay sidoo kale ku baaqeen in la sii ambaqaado wada hadallada DF Somalia iyo maamulka Somaliland iyagoo gobolka ugu baaqay in la fududeeyo.

Sidoo kale waxay amaaneen doorka ay Ciidamada Amaanka Somalia iyo AMISOM ka gaysanayaan xasilinta Somalia iyo la dagaallanka kooxda Shabaabka.

DF Somalia ayaa horay u sheegtay in ay ashtako gaarsiisey ururka IGAD iyadoo waloow la sheegayo in ay wada hadleen Somalia iyo Kenya ay tani hubaal ka dhigayso in aan misna arrintooda marna lagu soo hadal qaadin ajendaha rasmiga ah.

Somalia ayaa sidoo kale la sheegayaa in lagu wargeliyey inay fiicnayd inay ashtakada hormariso kahor inta aan xiriirka la wada jarin, taasoo deg deg lagu tilmaamay.

Hadalsame Media