Ma Dastuurka ayaa qaba in ay hay’aadka warbaahintu barnaamijyadooda u fasax qaataan?

0

(Muqdisho) 20 Dis 2020 – Mid ka mid ah Guddoomiye ku Xigeennada faraha badan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu rukhsad u gooyey dood ka bixi lahayd TV ku yaalla magaalada Muqdisho.

Cali Yare oo ah ninka warka sheegay oo ku magacaaban Guddoomiye Xigeenka Amaanka & Siyaaasadda, ayaa sheegay in uu Dastuurku qabo in dowladda ogolaansho la waydiisto marka dood la qabanayo isagoo ”waaya aragnimo iyo qaan-gaarnimo” ku tilmaamay arrintaasi.

”Waxaan maanta bixinnay Ogolaanshihii u horreeyay intii aan xafiiska amniga Caasimadda imid. Telefeshin ka mid ah kuwa sida gaarka ah loo leeyahay oo dood u qabanaya mid ka mid ah Madaxweynayaashii hore ee dalka.

Waa Ilbaxnimo iyo qaan-gaarnimo dowladeed oo la gaaray in shuruucda dalka loo hoggaansamo, innaguna ka maamul ahaan waxaab ballan qaadeynaa in sida dastuurku dhigayo aan u fududeyno hamsami-u socodka howlahaas la xariira marka sida hadda oo kale la soo mari habraaca amniga ee noo qoran.” ayuu yiri Cali Yare.

Yeelkeede, marka la rogo baal kasta oo ka tirsan Dastuurka Dhexe ee dalka, gaar ahaan qodobbada khuseeya xorriyadda qofka, midda madaniga ah iyo midda saxaafadda, ma jirto meel ay uga qoran tahay in dowladda rukhso loo waydiisto dood ay qabanayso hay’ad warfaafineed oo madax bannaan, sida idaacad, TV, wargays, website iwm.

Tan kale, marka uu dal diktatoori yahay saxaafadda waa la faaf-reebaa haddiiba ay jirto saxaafad ka madax bannaan nidaamka dhexe, balse marka uu dalku dimoqraaddi yahay sababta loo adeegsanayo erayga ”saxaafad xor ah” ayaaba ah in aanay dowladdu wax fikir ah ku yeelan karin ajendaha warfaafineed ee hay’aadka warbaahineed.

Haddii ay lacalla hay’ad warbaahineed tebiso war khalad ah, been ah, qadaf ah, isku dir ah iwm, taasi waxay keenaysaa inuu sharcigu la xisaabtamo hay’addaas, balse markaa lafteedu sharcigu ma aha dowladdii ee waa hay’ad garsoor oo madax bannaan, marka sida saxda ah wax loo samaynayo. Dowladda iyada lafteeda ayaa la dacwayn karaa oo uu sharcigu qaban karaa, balse sharcigu ma aha wax ay iyadu xukunto ama leedahay.

Waxaa intaa dheer, in xorriyadda saxaafadda oo ah arrin uu fasaxayo Dastuurka Dhexe ee Federaalku isla markaana aanay xitaa diidi karin DF, aanay gobol iyo degmo xaqba u lahayn in wax laga waydiiyo ama fasax looga qaato.

Sidaa darteed, waa inay hay’aadka warbaahintu diidaan faragelin kasta oo noocan ah, maadaama ay xeerka gefsan tahay. DF waxaa laga doonayaa inaysan aragti noocan ah umadda hor keenin iyada iyo cid kasta oo hoos timaada.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media